Guddoomiye Ku Xigeenkii Guddida Qaban-qaabada Doorashada Madaxtinimada Somalia Oo Is-casilay

(SL.Post) Waxaa goor dhaweyd si rasmi ah isku casilay Jen. Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ahaa Guddomiye ku-xigeenkii guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha Somaliya

201721636215278254170036fartagkkkkk

Iscasilaada Fartaag ayey wararku sheegayaan iney timid ka dib markii ay dacwad ka qoreen 16 ka mid ah musharaxiinta Madaxweynaha oo ku eedeeyey inuu si cad u taageeray musharax gaar ah, uuna lumiyey dhexdhexaadnimadii iyo kalsoonidii ay ku qabeen, waxayna dalbadeen in guddiga laga saaro.

Guddoonka Baarlamanka Somalia oo markii hore magacaabay guddigan ayaa ku qanciyey Fartaag inuu iska casilo guddiga doorashada Madaxweynaha, iyadoo si weyn loogu dhaliilay falka uu ku kacay.

Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka mid ah xubnaha aqalka sare ee Baarlamanka Somalia ayaa ka qayb-galay habeen hore xaflad uu musharraxa Xasan Sheekh Maxamuud Muqdisho ugu qabtay 180 ka mid ah xildhibaanada labada aqal, taasoo qeyb ka aheyd ololihiisa doorashada, waxaana Fartaag oo ka hadlay xafladaas uu si cad u sheegay inuu taageersan yahay Xasan Shiikh, codkiisana siin doono.

 

Somalilandpot.net