Guddoomiye ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE oo Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay tahay tii ugu musuqmaasuqa iyo maamul-xumada badnayd Somaliland

Hargaysa, 16 February, 2012 (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka Xibiga muxaafadka ee KULMIYWE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo Xisbigaa ka soo jeedda ku eedeeyey maamul-xumo, siyaasad la’aan iyo musuqmaasuq baahay, isla markaana waxa uu Md. Siilaanyo ku dhalliilay dhagaysi la’aan uu xusay inuu kaga jawaabao talooyinka loo jeediyo.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, waxa uu Masuuliyiinta Xukuumadda, gaar ahaan Wasiirrada ku eedeeyey inay ku kaceen musuqmaasuq aan noociisa oo kale hore loo arag oo ka daran kii Madaxda maanta ee markii ay ahaayeen hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo siddeed sano mucaarid soo ahaa ka qaylinayey ee uu ku eedayn jiray Xukuumaddii ka horreysay ee Xisbiga UDUB ee uu hoggaaminayey Daahir Rayaale Kaahin, taasoo wax ka qabashadeeda uu KULMIYE ballan-qaaday ka mid tahay waxyaabihii loogu codeeyey ee bulshadu ku dooratay Madaxweynaha Somaliland ee maanta iyo ku-xigeenkiisa, balse waxa uu xusay inay Xukuumadda uu Madaxweynuhu soo dhisay heerka musuqmaasuq iyo maamul-xumo ee dalka uga sii dartay.

“Waxay dadku aamminsan yihiin musuq-maasuqii aannu siddeedda sano ka qaylinaynay maanta sidii uu ahaa inuu ka sii batay mooyee aanu  ka yaraan. Agaasimihii guud ee Wasaaradda arrimaha dibedda waxa uu innoo sheegay inuu hayo xaqiiq inuu warqado hayo iyo in uu qoraallo hayo in uu qodobbayn karaayo wixii la lunsaday, sidii loo lunsaday iyo xaggii la mariyey, wax dambe oo markaa layska indho-tiri karayaa ma jirto. Waxa loo baahan yahay in arrintii aan la qarin ee laga badheedho oo la baadho  si rasmi ahna loo boodho oo haddii laga maarmi waayo Hay’ado caalami ahi way jiraan oo waxaa ka shaqeeya ee loo diro oo arrintaa laga baaraan-dego oo la soo xaqiijiyo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga talada haya ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Waxaanu Cabdiraxmaan oo hadlakiisa sii wataa intaa ku daray oo uu yidhi; “Dawladdu immika Hanti-dhawrka bay u dirtay oo way baadhaysa sheekadaasi sheeko iibsamaysa maaha, dawladdu waa ta la baadhayo. Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) cid ka akhrisanaysaa ma jirto oo Hanti-dhawr (Odhat) kaygii ayaa soo saxeexay oo yidhi; ‘waxba ma jiraan cid idinka akhrisanaysaa ma jirto kalmaddaas. Haddii dawladdu diyaar u tahay in la baadho immikadaas ayaan la hadlayaa Hay’adda la yidhaahdo Transparent International.”

 Waxa sidoo kale Guddoomiye ku-xigeenka Xibiga muxaafadka ee Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu ka hadlay mawqifkiisa ku aaddan shirka Soomaalida loogu qabanayo magaalada London ee dalka Ingiriiska 23-ka bishan oo Somaliland-na lagu soo casuumay, waxaanu yidhi; “Waxay ahayd halkee ayey dantu ku jirtaa anigu shakhsiyan waxaan ahaa dadkii lahaa shirkaas yaan la tagin oo wax dan ah oo innoogu jirtaa ma jirto, sababta aan u lahaana mid uun bay ahayd mid aan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo cashar aan ka qaatay isagu markuu Guddoomiyaha  Kulmiye ahaa oo had iyo jeer la odhan jiray shir aannaan ogayn shir aanad garanayn waxa ka soo baxaya lama tago, laakiin annaguna waxaannu lahayn haddii aanu faa’ido innoo lahayn yaan la tagin oo wax ka soo baxaya aynaan garanayn, balse go’aanka waxa iska leh dawladda waanay gaadhay, waxaanay ku qanceen in ay dani ugu jirto. Markaa, annaguna waannu ku taageernay.”

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, oo sidoo kale ka hadlayey arrinta dagaal toddobaadyadii hore ka dhacay jiidda deegaanka Buuhoodle, waxa uu yidhi; “Dagaalkaas waxa keenay fashilaad iyo siyaasad-xumo aad u liidata, oo shirka Taleex waxa ka soo socda way ogaayeen oo Raggii ka qaybgalaayey waxay ka soo dageen Berbera iyo Harageysa, Puntiland iyadu way joojisay Raggii shirkaa ka qaybgalaayey innagu-se waxaynu iska dhaadhicinnay shirkaasi waa shir beeleed oo waxay kaga hadlayaan arrimahooda khuseeya. Laakiin, meesh Cali Khaliif iyo Cali Ciise ay marayaan ayaa lagaga tashanayaa dan beeleed wax dhici karaya may ahayn.”

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo waxa uu talooyin u soo jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo laga soo dhex-doortay Xisbiga uu Cabdiqaadir Guddoomiye ku-xigeenka ka hayey ee KULMIYE. “Madaxweynaha waxaan leeyahay magac iyo sharaf ayaad ku timid kursiga oo dadkii kuu codeeyay maanta haddaad cod u qaadid u malayn-maayo boqolkiiba inay koton kuu codaynayso, taasi waa xaqiiqada oo dadkii aad iyo aad ayey u nijyad-jabsan yihiin, waxay filayeen maaha waxa jiraa, oo Maamul-xumo aad u baahday oo tageera-yaashii  kuu soo halgamay ee ku jeclaa ee meesha ku saaray madaxa ayey haystaan oo waxay leeyihiin xaggay wax ka xumadeen oo sidee ayay wax noqdeen ayey leeyihiin.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Waxaanu isaga oo hadalkiisa sii wata intaa ku daray oo yidhi; “Madaxeyne adiga ayaa immika Minddida daabkeeda haya ee dadku waxay doonayaan yo cidda ay ka qaylinayaan waad garanaysaa oo cidda wax xumay-naysa waad fahmaysaa, haddii aanad garaneyna dadka ku sheegaya waad dhagaysan kartaa, oo wakhti ayaad haysa-taay ee intay goori-goor-tayhay wax ka qabo.”

“Madaweynaha ma wax wacan u sheegat mise wax xun u sheegatay, haddaad wax wanaagsan aad u sheegisid uu farxayaa oo aad ayuu u qoslayaa, balse haddii aad is tidhaahdid ba waxa jira u sheeg oo xaqiiqda ah muran iyo dagaal ayaad kala kulmaysaa, Madaxweynaha waxaan  u tagay dhawr jeer oo aan uga warramay arrimo isaga u dan ah, wali maan arag mar kaliya oo  uu ii garaabay oo  uu yidhi; ‘wallaahi arrintaasi waa sidaa oo wax baynu ka beddelaynaa maan arag.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cadiqaadir.

Waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Markii iigu danbaysay waxa uu igu yidhi; ‘oo maanta miyaad soo dagaal tagteen’. Anigu waligay intaan Madaxweynaha u tagay maan odhan waxaa ii qabo oo shilin isii iyo gaadhi ii iibi, illaa iyo xilligii aannu mucaaradka ahayn iyo qof shaqo ii geli toona. Maanta dawladdiisa laga soo helimaayo qof la odhanaayo ina Cabdiqaadir ayaa keenay, waxaannu isku haynaa waa danta guud, haddii arrintu ay sidan ku sii socoto way ka sii xumanaysaa, annagu waxaannu doonaynaa wanaaggiisa.”

Mar uu ka hadlay Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbil-xaakimka KULMIYE, khilaaf bishii hore soo kala dhexgay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland iyo arrimo uu ku ladhay, waxa uu yidhi; “Waad ogtihiin khilaafkii soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo ku-xigeenkisa oo waxa ay isku qabteen danta Qaranka. Sidoo kale, waxa jira Kulmiye badan oo aad uga xun waxa soconaya, markaa annugana ku waas ayaannu ka turjumaynaa, oo waxaannu Kulmiye ku wada la hayn waxay ahayd danta Ummadda oo aannu ku wada soconnay, haddii dantii Ummadda laga leexday dee wada socod iman maayo oo hadday arrintu sidan ay ku sii socoto way ka xumanaysaa.” “Maanta Madaxweynuhu wax kasta uu ogyahay oo waa loo sheegay wax ka qarsoonina ma jiraan. Markaa, Silaanyaha aannu naqaanay hadduu yahay ee aannu naftayada u hurnay ee xitaa aannu lahayn aannu ku dagaallanno oo Xabbadda aannu ridno hadduu yahay wax buu ka qabanayaa waxa qaldamay, haddii ay wax is beddeleenna waynu arki doonnaa oo waynu ka tashan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaaddir Faarax.

Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu dhalliil gaara u jeediyey shaqsiyaad aanu magacaabin oo uu sheegay inay Madaxweyna si kale wax ugu sheegaan, isla markaana Jeebabka buuxsadeen oo uu xusay inay isku xidhan yihiin, waxaanu yidhi; “Madaxweyne Maxamud Raage waxa uu ahaa Agaasimaha Wasaaradda arrimaha debeda wuxuu yidhi; ‘laba bilood ayaan is ku dayey inaan ku arko’. Markaa, waxay u eegtahay Madaxtooyadii inay ka bilaabantay Koox Xisaabo adag oo isku xidhan oo maamul wanaagsan ka samaysatay oo iyaga dani ugu jirto, Jeebabkiina  buuxsatay oo sida ay doonaan u dhaqma, Madaxweynaha-na ka dhaadhiciyay inay dantiisa wadaan, waanay ka dhacdaa dawladaha tan oo kale, wax maanta qarsoonina ma jiraan ee Madaxweyne maamulkaaga iyo siday wax u socdaan hoos u eeg..”

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland