Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada oo Abaabulka Cambaareyn loo jeediyey ku eedeeyey Sarkaal Wasaaradda Daakhiliga ka tirsan

CALI YUUSUFHargeysa (SLpost)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada MCali Aw Yuusuf Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war lagu baahiyey saxaafadda qaarkeed, kaas oo koox odayaal ahi oo beeshiisa ka tirsan eedaymo ugu jeediyeen guddoomiyaha, kuna sheegeen inay beel ahaan kalsoonidii kala noqdeen Md Cali Yuusuf.

Md Cali Yuusuf waxa uu masuuliyadda abaabulka odayaasha cambaareynta u jeediyey dusha ka saaray sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu magaciisa ku sheegay Cali Xasan Cawaale, kaas oo u ku sheegay inuu duullaan ku yahay isla markaana baadi-doonayo xil miisaan leh oo xukuumadda looga magacaabo

Guddoomiye Cali Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in Agaasimaha Waaxda Gobolada iyo Siyaasada ee Wasaarada Daakhiliga Somaliland uu ka dambeeyo isla markaana nacayb hor leh ka dhex abuurayo beesha ay ka soo wada-jeedaan, waxaanu sheegay inaanu jirin khilaaf ka dhexeeya isaga madax-dhaqameedka Beesha Subeer-Celi (Arab) ee uu guddoomiye Cali Yuusuf ka dhashay.

 “Arrinta lagu qoray  saxaafadda waxa ku taala waxgaradka iyo hogaamiye dhaqameedyada beesha ayaa kala noqday kalsoonidii Cali Aw Yuusuf Axmed Markaa ma jirto dad ka tirsan beesha oo waxgarada oo yidhi sidaasi ma jirto waayo waxgaradka aqoonyahanada iyo hogaamiyeyaasha beesha aad iyo aad ayaan iskugu wanaagsan nahay,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.

Guddoomiye Cali Yuusuf waxa uu masuuliyadda Arrintaas ku eedeeyey, “arrintaasi nin kaliya ayaa qoray, ninka qorayna waxa weeyaan waa nin layidhaahdo Cali Xasan Cawaale oo wasaarada arrimaha gudaha ka shaqeeya.”

Cali Aw Yuusuf  waxa uu ku eedeeyay Agaasimaha goboladda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  inuu yahay nin xil u buka. “Waa nin xil u  buka weeyaan xil ka wayn oo aanu qaadi karayn ayuu hayaa nasiib daro kol baa la doonayay in laga wareejiyo aniga ayaa idhi bal ha loo daayo oo  jaanis kale ha la siiyo, kolkaa nin dawlada u shaqeeya oo xil hayaa in uu dacaayad been ah uu fidiyo waa nasiib darro weeyaan, waxa kalena ma aha waxa uu leeyahay xildhibaan loo diiday iyo dawladu waxay na siin lahayd buu  Cali naga horjoogsaday isaga ayaa u buka in laga dhigo ayuu doonayaa xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa. Xoghayaha dawlada hoose nin baa jooga haddii ay noqoto in laga qaado cid kale la siiyo dawladu iyadaa taqaan ciday kala tashanayso iyo ciday u garanayso,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.

 Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda  Gobolada iyo Siyaasada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Xasan Cawaale, ayaa isaguna dhinac isaga duway eedaymaha Guddoomiye Cali  Yuusuf u jeediyay, waxaanu ku dooday inaanu  soo agaasimin odayaasha bayaanka ku soo qoray qaar ka mid ah warbaahinta. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inuu isagu yahay shaqaale dawladeed oo aanay u banaanayn inuu dhex galo siyaasadda.

SOMALILANDPOST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND