Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Codsi u diray Madaxweynaha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ku deg-degtay go’aankii ay kula wareegtay gaadiidkii lagu qabtay Badeecadda Qaadka muddadii bisha ku dhawayd ee dalka laga mabnuucay Keenistiisa iyo ka-ganacsigiisa.

Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu ku dooday inaanay munaasib ku ahayn la-wareegista Gaadiidka lagu qabtay Qaadka maadaama uu ahaa go’aan ku-meel-gaadh ahoo muddo kooban loogu talo-galay, waxaanu madaxweynaha Somaliland ka codsaday in dadkii lahaa loo celiyey gaadiidkaas oo uu sheegay inay qoysas tiro badan noloshoodu ku tiirsanayd.

Eng Faysal Cali Waraabe oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Baabuurtii Qaadka ee lala wareegay, waxaad mooddaa arrintaas inaynu ku deg-degnay. Qaadka muddo dhowr iyo labaatan maalmood ah baa la joojiyey, markaa qofkii qaadka keenaa inuu dambi galay waa la ogyahay. Laakiin haddaanu ahayn wax si toos ah waligiis loo mabnuucay, in xoolihiisa lala wareegaa way fool-xun tahay.”

“Hore waan uga hadlay, mar anigu maan odhan hala joojiyo, waayo waxaan ogaa in boqolkiiba 60 dadka shaqeeyaa ay ku nool yihiin Qaadka oo noloshooda ka soo saaraan. Intaas qoys oo reer Somaliland ah, ayaan maanta haysan waxay wax ku karsadaan oo baabuurtaasi u soo saari jireen masaariiftooda,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu Guddoomiyuhu madaxweynaha u soo jeediyey inuu Maalinta Ciidal-fidriga kaga farxiyo Qoysaskii gaadiidkaas oo loo celiyo, “Markaa waxaan madaxweynaha leeyahay, madaxweyne dadkii baabuurta haloo celiyo oo Ciidda kaga farxi dadka oo qoysasku ha haleen quruskoodii,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddiga ka-hortagga iyo Xakamaynta Cudurka Covid-19 ee Somaliland, ayaa go’aamo ay soo saareen horaantii bishan Ramadaan oo joojinta Qaadku ka mid tahay, waxa ay gebi ahaanba ku mabnuuceen ka-ganacsiga iyo Keenista badeecadda Qaadka ee laga keeno dalka Ethiopia muddo 25 Maalmood ah si looga hortago faafitaanka Xannuunka, iyagoo go’aamiyey in dowladdu la wareegi doonto mulkiyadda Gaadiidka lagu qabto Qaad si qarsoodi loo soo gelinayo dalka.

Haseyeeshee, Go’aan ka soo baxay Guddiga ka-hortagga iyo Xakamaynta Covid-19 ee Somaliland, 16-kii bishan May, waxa ay dib u fasaxeen Keenista iyo Ka-ganacsiga Badeecadda Qaadka laga soo waarido dalka Ethiopia, iyadoo aanay wali dhammaanin muddadii 25-ka maalmood ahayd ee dalka laga mabnuucay.

Ciidammada Booliska ayaa dhawaan soo bandhigay gaadiid tiro badan oo lagu xardhay Midabka iyo astaanta Ciidammada Ammaanka, kuwaas oo lala wareegay kaddib markii lagu qabtay Qaad ay sharci-darro ku geliyeen dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net