Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay Beesha Caalamka tarjumaad tifaftiran ka siiso Mawqifka iyo qadiyadda Madaxbannaanideeda

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani isla markaana ah Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda ugu madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay fasiraad ka tarjumaysa halka ay Somaliland ka taagan tahay qadiyadda madax-bannaanideeda ka bixiso Baaqa Beesha Caalamka kaga hadhashay hawl-galka milatari ee ciidamada Qaranka Somaliland ka fuliyeen deegaanka Saax-dheer ee gobolka Sool.

Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay Beesha Caalamka fasiraad mug leh ka siiso Mawqifka iyo qadiyadda  MadaxbannaanideedaGuddoomiye Cirro oo waraysi gaar ah siiyey telefishanka HCTV waxa kale oo uu ka hadlay Arrimo ay ka mid yihiin aragtida ay xisbi ahaan ka qabaan tallaabada Ciidamada Qaranka Somaliland ku galeen degmada Saax-dheer ee gobolka Sool oo fadhiisin u ahayd malleeshiyaadka kooxda la baxday Khaatumo iyo sidoo kale Go’aanka madaxweynuhu ugu jeediyey axsaabta mucaaradka inay soo magacaabaan xubnaha u metelaya Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo muddo-xileedkoodu ku egyahay bisha Tobnaad ee sannadkan.

WARAYSIGA Guddoomiye Cirro arrimahan kaga hadlay, Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net