Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda ku eedeeyey inay horjoogsatay Dhaarinta Guddiga Doorashooyinka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay diidday dhaarinta guddiga doorashooyinka Somaliland oo Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu todobaadkan horaantiisii cod-aqlabiyad ku ansixiyeen.

CIRRO_WadaniGuddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay inay hor-istaagtay in xubnaha Cusub ee Guddiga Doorashooyinku ay u baxaan tobabar khuseeyey dhinaca hawlahooda shaqo oo ay dalka dibadiisa ugu bixi lahaayeen, waxaana uu xukuumada iyo maxkamada sareba ugu baaqay in mudnaan gaar ah la siiyo in la dhaariyo Komishank doorashooyinka si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

“Waxaad ka war haysaanin golaha wakiiladu u ansixiyey 29 November gudida doorashooyinka qaranka, waxaa ay ahayd in axadii la dhaariyo Sabtidii ayaanu ansixinay, maantana waa Khamiis, Xukuumadda ayaa joojisay in la dhaariyo, xukuumada ayaa joojisay in ay tobabarkii ay u baxaan. Waxaan u soo jeedinaynaa Xukuumada iyo Maxkamada Sareba mudnaanta ay hawshasi leedahay in la siiyo, in la dhaariyo in xilka lagu wareejiyo, in ay tobabarkii ay u baxaan, sida oo kalena ay diiwaangelintii ay bilaabanto,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro oo maanta ka hadlayey munaasibad Xisbigiisu ku soo dhaweeyey siyaasiyiin iyo taageerayaal ka mid noqday Xisbiga Waddani.

“Si ay u bilaabanto diiwaan galinta codbixiyeyaashu oo ay ku xidhan tahay in aynu doorashada qabano, waxaan u soo jeedinaynaa Komishanka Qaranka iyo bulshada caalamka ee Somaliland taageertaba in la dadajiyo qabashada diiwaan galinta codbixiyeyaasha si doorashooyinku inoogu qabsoomaan,wakhtigii loogu talo galay,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu Xukuumadda uga digay xabbudhinta iyo xadhigga lagu hayo warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka.

“Somaliland waxaa ay magac iyo maamuusba ay ku heshay in ay illaaliso ama ay samayso saxaafad xor ah, waxyaabaha aadka loo xiiseeyo, marka aanu qurbaha joognayna aanu aad u akhriyi jirnay dadka Af-Soomaaliga ku hadlaana ay aad u akhriyaan, wali waxaa ka mid ah Dhan-xiirka, waxaa ka mid ah Guuguule, Mr WADANI iyo qaar kale oo badan iyo in aynu caan ku ahayn in aynu dulqaad lahayn oo xuquuqul insaankana Illaalin jirnay, maanta se saaxafadda waxaa la saaray cadaadis iyo cabudhin, waxaa caado u noqotay xadhig joogto ah, waxaa muwaadiniinta Somaliland caado u noqotay hada xadhig aan waafaqsanayn sharciga in la xidho,qof kasta oo hadla,qof kasta oo wax dhaliila iyo qof kasta oo muujiyeyba in uu ka soo horjeedo Xukuumada iyo Siyaasada xisbiga KULMIYE.

Somalilandpostnet/Hargeysa