Guddoomiye Cirro oo Xilal u magacaabay Siyaasiyiin Caan ah

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta xilal u Magacaabay Siyaasiyiin Caan ah oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii isaga kala dambeeyey Somaliland.

Siyaasiyiinta uu xilalka u Magacaabay waxa ka mid ah Cabdilllaahi Jaamac Cismaan (Geel-jire), Cabdi Haybe Maxamed iyo Cabdalla Maxamed Carab (Sandheere).

Siyaasi Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) oo dhowaan shaaciyey inuu si rasmi ah ugu biiray Xisbiga Waddani, ayaa hore u ahaa kaadiriinta Xisbiga Kulmiye isagoo soo qabtay Xilka Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo.

Siyaasi Cabdi Haybe Maxamed uu xilka Wasaaradda Caafimaadka ka soo qabtay Xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.

Xilalka Cusub ee uu magacaabay Guddoomiye Cirro oo tiradoodu dhan tahay Toban xubnood, waxa ka mid ah Maayarkii hore ee magaalada Berbera Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere).

Hoos kaga Bogo Magacyada iyo Xilalka uu magacaabay Guddoomiye Cirro