Guddoomiye Cirro oo Waxlaga Xumaado Ku Tilmaamay Dilalka Ciidamada Ka Dhex Socda iyo Toogashada Booliska Baaqna U Diray Xukuumadda

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dilalka ka dhex socda ciidanka iyo sida oo kale toogashooyinka boolisku ay ku laayaan dadka shacabka ah ee aan hubaysnayan.

guddoomiye Cirro waxa uu xukuumadda ugu baaqay in wakhtigan loobaahan yahay in si dhab ah loo baadho sababaha dilalkaasi ay u dhacayaan iyo in meesha laga saaro masuuliyad darada shacabka boolisku ay ku toogtaan “Somaliland dhawr sifo oo caalamku ugu soo jeedsaday ayaa jiray waxaana ka mid ah nabad galyada, dimuqraadiyada, saxaafada xorta ah iyo dhawrista xuquuqda bina aadanka, baryahan danbe

 

waxa soo kordhay arimo laga murugoodo oo ay ka mid tahay inay badatay dilalka ka dhex dhacay ciidanka ee saraakiisha iyo saraakiil xigeenada arintaasina waxay u baahan tahay in si xaqiiqo ah loo raadiyo oo la baadho sababta keenaysa inay soo noq noqoto,dilku kumuu koobnaan ciidanka oo kaliya shacabka ayuu gaadhay waxaana ugu naxdin badnaa nin maxbuus oo xidhan oo jeelka ku jir  in la toogto  hadu baxsanayay waxbay ahaan lahayd laakiin taasi waxay ku tusaysaa masuuliyadu heerka ay gaadhsiisn tahay, waxaanan xukuumada si adag ugu   soo jeedinaynaa in arintaas la baadho oo la so oaf jaro gafafka shacabkana waa in la yareeyo.”