Guddoomiye Cirro oo Warqad Mad-madow ka muuqdo beesha Caalamka ugu gudbiyey Mowqifka Xisbigiisa ka qabo Muranka siyaasadeed ee dalka

wadaniHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa maanta oo bishu tahay 15-May soo saaray Waraaq xambaarsan qoraallo lagu qoray luqadaha Afka Soomaaliga iyo English oo Xisbigu kaga hadlayo mowqifkiisa ku aaddan muranka siyaasadeed ee ka taagan muddo-kordhinta loo sameeyey xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.

Waraqaada guddoomiye Cirro oo la sheegay inuu u qoray Beesha Caalamka., tixraaceedu yahay XIS/WAD/XDH/2229/2015, isla markaana aan lahayn haba-yaraatee isla markaana aan lagu xusin cidda ay ku socoto, ayaa lagu sheegay in xisbiga Waddani ka soo horjeedo tallaabo kasta oo Somaliland lagaga takoorayo beesha Caalamka oo uu xusay inuu soo-dhawaynayo taageerada kala duwan ee ay u fidiyaan Somaliland.

Guddoomiye Cirro waxa bogaadiyey dhawaaqa beesha Caalamka ee ka dhashay go’aankii Golaha Guurtidu Muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada. Waxase uu xusay inuu danaynayo gogosha Xukuumaddu u fidisay mucaaradka, taas oo uu ku tilmaamay mid lagaga bixi karo khilaafka siyaasadeed ee xilligan dalka ka taagan.

Waraaqahan oo lagu baahiyey Bogga Facebook ee Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani, laguma xusin cidda loo diray iyo halka ay ku socoto, marka laga yimaaddo farriin qoraal ah oo lagu lifaaqay ujeeddada ay xambaarsan yihiin.

Halkan ka boqo Waraaqaha aan la sheegin cidda lagu socodsiiyey ee la sheegay inuu Guddoomiye Cirro u diray Beesha Caalamka.

wadaniwada

SOMALILANDPOST.NET