Guddoomiye Cirro oo sheegay inaanu Madaxweyne Siilaanyo Golaha Wakiilllada u dhammaystiran Shuruudo looga baahan yahay Ansixinta Guddiga Doorashooyinka

HARGEYSA (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shuruudo xeerka doorashooyinku waajibinayaan ku xidhay xubnaha Cusub ee Guddiga Doorashooyinka oo madaxweynaha Somaliland todobaadkii hore u gudbiyey Golaha Wakiillada o uu ka dalbaday inay ka gutaan waajibaadkooda sharci oo ah inay mudaneyaasha Golahaai codkooda ku ansixiyaan ama ku diidaan xubinta ka mid noqonaya komishanka Doorashooyinka.

Guddoomiye Cirro oo sheegay inaanu Madaxweyne Siilaanyo Golaha Wakiilllada u dhammaystiran Shuruudo looga baahan yahay Ansixinta Guddiga DoorashooyinkaXubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka oo beddeli doona guddigii hore ee doorashooyinka oo muddo xilkeedkoodu ku egyahay 29-ka bishan October, ayaa madaxweynuhu laba digreeto oo ku kala taariikheysan 6-dii iyo 9-kii bishan oo lagu shaaciyey wareegtooyin uu golaha Wakiillada ugu gudbiyey todobada xubnood ee guddiga Doorashooyinka, waxa uu kaga codsaday inay sida ugu dhakhsaha badan waajibaadkooda sharci uga gutaan muddada ka hadhsan wakhtiga muddo-xileedka guddigii hore ku eg yahay, isaga oo madaxweynuhu digreetadiisa ku xusay in Taariikh-nololeedka iyo C.V-yada xubnaha cusub ku lifaaqan yihiin wareegtada uu golaha Wakiillada ugu gudbiyey xubnaha Cusub.

HALKAN KA DAAWO

SOMALILANDPOST.NET

Somalilandpost@live.com