Guddoomiye Cirro oo shacabka ka tacsiyadeeyey Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi(Suldaan Baxar) oo Hargeysa ku geeriyooday

Guddoomiye Cirro Oo  Ka Hadlay Go’aanka Xukuumadda Ka Gaadhay Lixda Goobood Ee Waqooyiga HargeysaGuddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi(Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo weli ba taageerayaasha xisbiga WADDANI ee gudo iyo dibad ba, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi(Suldaan Baxar) oo Hargeysa ku geeriyooday 10/06/2017.

Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo waxa sida oo kale uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, asxaabtii, bahdii dhaqanka, wax-garadkii iyo aqoonyahankii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo Alle ka cabsi badan sida oo kale u sama-fali jiray dadka danyarta ah, waxa kale oo uu ku tilmaamay in uu ahaa nin nabad doon ah oo caan ku ahaa isu soo dhaweynta iyo wada-jirka bulshada iyo weli ba sida oo kale in uu ahaa madax-dhaqameedkii kaalinta muuqata ka qaadatay dhismaha qaranimada Somaliland oo uu carabka ku dhuftay in uu shakhsiyan ahaa rukun aad culus oo ka baxay qaranka Somaliland.

Guddoomiye Cirro, waxa ugu dambeyntii uu Alle ka baryeyaa in uu godka u nuuriyo, sida oo kale na uu ka waraabiyo jannatul Fardowsa. Ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxayn in uu Eebe samir iyo iimaan ka siiyo.