Guddoomiye Cirro oo kaga dhawaajiyey Isbeddel lagu samaynayo Hoggaanka sare iyo Doorka Mucaaradnimo ee Xisbiga WADDANI

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maanta ku soo laabtay dalka kaddib safar todobaaddo qaatay oo uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa, ayaa ka hadlay qorsheyaasha xisbiga uga meel yaalla doorkooda mucaaradnimo iyo wada-shaqaynta xukuumadda xisbiga Kulmiye.

Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu ka hadlay isbeddel iyo isku-shaandheyn lagu samayn doono hoggaanka sare ee xisbiga WADDANI, isagoo dhinaca kale soo hadal-qaaday mad-madow ku jira qaabka kala sarreynta hoggaanka xisbiggiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARKA OO DHAMMAYSTIRAN