Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Masuuliyiin Dhawaan Xisbigiisa Iska Casilay

Hargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna guddoomiyaha  xisbiga mucaaridka ah ee  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed  Cabdilahi (Cirro) ayaa dalka dib ugu soo laabtey ka dib safar uu ugu maqnaa dalka Jabuuti.

Gudoomiyaha oo ugu horeyn ka hadlaya safarkiisa waxa uu yidhi. “Waxaan  halkan salaan ugu gudbinayaa munaasibada ciida awgeed bulshada rer somaliland iyo bulshada  muslimka ahba waxaanan leeyahay sanadkaas sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo barwaaqo Safar gaaban oo shaqssi ah ayaan ku tagey dalka Jabuuti  waxaanan ku faraxsanahay in dalkii si nabad ah  iyo caafimaad qab ah ugu soo noqdey  waxanan jecelahay in aan shacibigeyga si nabad ah kula ciido.

Guddoomiye Cirro ayaa Sidoo kale waxaa uu ka hadlay  masuuliyiin dhawaan iska casilay xisbiga Waddani waxaanu xusay is-casilaadoodu ay ahayd mid rabitaankooda ah, “Saaxiibadeydaas iska casilay xilkii ay hayeen  markii hore ikhtiyaarkooda ayey xisbiga ku yimaadeen  imikana ikhtiyaarkooda ayey kaga baxeen xisbiguna waa xisbi dimuqraadi ah  jeel maaha dadka lagu hayo  waanay imanayaan dadku waanay ka baxayaan, ninmankaas wax xumaan ah oo aanu u heyno ma jirto saxiibo nala soo shaqeeyey ayey ahayeen “ ayuu yidhi.Gudd