Guddoomiye Cirro oo ka digay cawaaqib-xumo ka dhalan karta Mooshin Xukuumaddu ka dhex abaabulayso Golaha Wakiillada

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo maanta ka soo laabtay safar gaaban oo uu ku tagay Dalka itoobiya, ayaa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo uga digay inay faro-gelin ku samaysay golaha Wakiillada.

Guddoomiye Cirro oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ay ku soo dhaweeyeen xildhibaano tiro badan oo Golaha Wakiillada ka tirsan, ayaa warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee madaarka Hargeysa, waxaanu xukuumadda uga digay mooshin la sheegay inay ka abaabulayso mudaneyaasha golaha Wakiillada.

ciroCabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay Xukuumaddu muddadii ay talada haysay in ay ku mashquushay Golaha Wakiiladda oo ay ilowday qaranimadii, waxaanu hawada u mariyey inay ay faraha kala baxdo Golaha Wakiiladda maamulkiisa oo aan marnaba wax dagaal ah la galin Xukuumadda.

Hadalka Guddoomiye Cirro ayaa u muuqday mid uu ku waajahayo Mooshin Xukuumadda talada haysaa Berri ku keenayso Golaha Wakiilada, kaasoo ay ku doonayso in ay awoodaha Guddoomiye Cirro ku leeyahay Golaha wakiiladda ku bur buriso, taas oo jawaab looga dhigayo tallaabadii uu dhawaan uu ku dhimay awoodihii labada Guddoomiye Ku-xigeen ee ka tirsan Xisbiga Kulmiye.

SOMALILANDPOST.NET