Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Cagojiid Ku Aqbalay Go’aankii Maxkamadu ay Soo Saartay

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiye xisbiga mucaaradka ahee Waddani Cabdiramxaan Cirro ayaa si murugo leh ku qaabilay go’aanka maxkamada sare ay ka soo saartay turjumidii madaxweynuu uu ka cidsaday.

waxa guddoomiye Cirro oo warbaahintu waydiisay sida uu u arko go’aankan waxa uu yidhi“Go’aanka maxkamadu ay soo saartay sidiisa ayaan ku qaadanayaa.”

Cabdiraxmaan Cirro ayaan wax faah faahin ah sii siin warbaahinta, waxaana ay u muuqataa wakhtigan dami doono khilaafkii doorashooyinka la xidhiidhay ee mudada dheer soo jiitamayay.