Guddoomiye aan la dooran iyo Xuurtada Sool – W/Q: Warsame Aadan

Soo dhawayntii niyadsamida ee lagu soo dhawaynayay wasiirka dib-u dejinta oo ay sas ka qaadeen siyaasiyiin ka soo jeeda  Gobolka Sool uguna horeeyo Gudoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka Somaliland.

Guddoomiye kuxigeenku wuxuu cadeeyay inuu aad uga xunhayay arrintaas  lana dagaalamayo ciddii ka qayb gashay soo dhawayntaa gaar ahaan wasiirka iyo qaar ka mid ah odayaashii ka qayb galay soo dhawaynta. Waxa kale oo uu guddoomiyuhu cadeeyay inuu ka baxay heshiisiin ka dhex socotay isaga iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta Sool, Buuhoodle iyo koonfurta sanaag isagoo ku sababeeyay soo dhawaynta wasiirka.

Tusaalooyin ku saabsan Kala duwanaanshaha siyaasadda Somaaliland iyo  gudoomiye ku-xigeenka;

1.      Siyaasadda Somaliland oo qiime wayn oo siyaasadeed siisay imaatinkii iyo ka qaybgalkii Ahmed Abdi Xaabsade arrintaas oo uu aad uga soo horjeeday ilaa iyo hadda
2.      Siyaasadda Somaliland oo gelisay hawl wayn sidii ay u keeni lahayd Kayse halka guddoomiye kuxigeenku uu aad unecbaystay ilaa uu diiday inuu salaamo.
3.      Somaliland siyaasadeedu waxay marti qaaday odayaasha Degmada Dharkayn geeyo markii ay yimaadeen Hargaysana gudoomiyuhu wuxuu gaadhay marya tuur iyo muraaradilaac.
4.      Siyaasadda Somaliland waxay ka hawl gashay in laga gaadho heshiis arrintii kalshaale kaa soo ku dhamaaday is afgarad, halka guddoomiyuhu ka dagaalamay in aan la gaadhin wax heshiis ah lana gaadhi karin la’aantiis,ilaa nabaddoon Cali khaliif Galaydh ka goodho.
5.      Halka siyaasadda Somaliland ku hawlantahay soo dhawaynta, ka qaybgelinta siyaasadda iyo wada tashiga dawladda Somaliland iyo dhamaan siyaasiyiinta Gobollada Bari iyo tan gudoomiye ku-xigeenka oo caadaystay in uu ka soo horjeesto cid kasta oo wadda wanaag kana soo jeeda Gobollada Sool, Buuhoodle iyo bariga Sanaag rumaysan yahay in ceelkiisii laga dhooqeeyey.

Hadal iyo dhamaan waxaa la iswaydiinayaa su’aallo ay ka mid yihiin;-

1.      Danta Guddoomiye aan la dooran miyuu ka sarayn karaa danta Somaliland?
2.      Guddoomiye aan la dooran  xaggee  ka keenay awoodda uu ku hor istaagayo ama ku diidayo cid kasta oo ka shaqaynaysa isfahamka siyaasadeed iyo arrimaha dib u heshiisiinta Goballada Bari?

Maah maah baa waxay tidhaahdaa “Hashu maankayga Gaddee ma maansaar bay liqday”

Warsame Aden

Written By Member Of The Welcoming Sool, Sanag Bari, Buhodle Group