Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Xukuumadda u Manno-sheegtay: “Dadkii Lacagta Bixinayey Ee Adhiga Bixinayey Ee Geela bixinayey Iyo Hablihii Dahabkooda Bixinayeyba WADDANI Ayey Ahaayeen”

cabdiraxman-cirroHargeysa (SLpost)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Somaliland ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdlaahi (Cirro) ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI laga faafiyey barabogaando khaldan oo ku saaban Dhismaha waddada Ceerigaabo,Gudoomiye Cirro ayaa waxa uu sheegay in Xisbiga WADDANI iyo taageerayaashiisuba ay hormood ka yihiin ka qayb qaadashada Horumarka dalka.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu hadalkaasi ka jeediyey munaasibad xalay lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, taas oo qaadhaan loogu ururinayey Public Library-ga guud ee Somaliland.

Guddoomiye Cabdiraxmaan oo arrintan ka hadlayay, waxa uu yidhi, “Sidaa ka war qabtaan laba Koofiyadood ayaan sitaa midbaana Xisbi ah, waxaan jecelahay inaan shacbiga reer Somaliland u cadeeyo in Xisbiga WADDANI uu hormood ka  yahay kaalin kasta oo waddanka horumarkiisa ah, Waddada Ceerigaabo qoladii ugu horaysay ee  qaadhaan bixisa ayaanu ahayn, waxaana gacantiisa ka bixiyey nin Cabdilaahi Axmed la yidhaado, laakiin baryahan dambe waxaan arkayey Guul wadayn badan, Xukuumaduhuna way iska jecelyihiin guul wadaynta, waxa ay faafinayeen dacaayado badan oo la lahaa Waddani  wuxuu ka soo hor jeedaa Horumarka, wuxuu ka soo hor jeedaa waddada Ceerigaabo.”

Guddoomiye Cirro ayaa intaas ku daray, “waddada Ceerigaabana bilowgeedii waanu ka qayb qaadanay waxaanan rumays nahay dadkii Lacagta bixinayey ee Ceerigaabo, ee Adhiga bixinayey, Hablihii dahabka bixinayey intooda badani Waddani ayey ahaayeen, xitaa qoladii Geela bixinaysay, markaasta waxaanu diyaar u nahay haddii ay Library tahay iyo haddii ay waddo tahayba inaanu ka qayb qaadano, waxa aanu ugu baaqaynaa dhamaan Taageerayaashayadu  inay waddada iyo Libraryga iyo waxkasta oo Somaliland horumarkeeda ah inay ka qayb qaataan.”

Geesta kalena Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Munaasibadaasi Qaadhaanka loogu ururinayey Public Library-ga guud ee Somaliland   kaga dhawaaqay Lacag Sadex kun oo dollar ah ($3000) oo uu kaga qayb qaadanayo dhaqaalaha lagu dhisi doono  Library-gaasi.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeys