Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ku baaqay in Baadhis lagu sameeyo Ciddii ka dambaysay Weerar Kooxo Hubaysani ka fuliyeen Berbera

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa ku baaqay in baadhitaan madax-bannaan lagu sameeyo shaqaaqo todobaadkan gudihiisa ka dhacday magaalada Berbera, taas oo koox hubaysani ku weerartay maxjar cusub oo laga dhisayo duleedka Koonfur-bari ee xarunta gobolka Saaxil.

Koox hubaysan oo lala xidhiidhiyey inay u adeegayeen Ilma Faarax Xarbi oo iska leh Maxjarka labaad ee ugu weyn, ayaa weerar aan khasaare geysan ku qaaday Maxjar Cusub oo dhismihiisu ka socdo seere ku yaala Koonfurta-Bari ee Berbera, kaas oo ay dhisamayaan qaar ka mid ah ganacsatada waaweyn ee Xoolaha Dhoofiya. Maxjarkan cusub oo noqonaya kii saddexaad ee magaalada Berbera laga hirgeliyo, ayaa barbarka ku haya Maxjarka Ilma Indha-deero oo ka mid ah Seereyaasha lagu xannaaneeyo Xoolaha ka hor inta aan laga dhoofin dekedda Berbera, waxaana la sheegay inay ku doodayaan Ilmaha Faarax Xarbi in qayb ka mid ah Dhul ay leeyihiin laga dhisayo Maxjarka Cusub.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu si adag uga hadlay garaacis iyo haditaad ay Ilaalada Wasiirka Arrimaha Guduhu ugu geystaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera barxadda hore ee Xarunta Dawladda Hoose oo Xildhibaannadaas laga horjoogsaday inay ka gudaha u galaan wakhti uu Wasiirka arrimaha guduhu Cali Maxamed Waran-cadde kulan la lahaa Maamulka dawladda Hoose iyo xildhibaannada Golaha deegaanka.

HALKAN KA DAAWO WARKA GUDDOOMIYE CIRRO