Guddoomiyaha xisbiga UKIP ee Britain oo Baarlamaanka Yurub ka dalbaday inay u codeeyaan Aqoonsiga Somaliland

Strasbourg (SLpost)- Gudoomiyaha Xisbiga UKIP ee dalka Britain Mr. Nigel Farage iyo Xildhibaan James Carver ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Yurub, ayaa golaha Sharci-dejinta ee Midowga Yurub u soo bandhigay inay aqoonsadaan madax-bannaanida Somaliland.

Guddoomiye Nigel iyo xildhibaan Carver oo shalay ka qayb-galay Fadhi baaralamaanka Yurub kaga doodayey Aqoonsiga dalka Falastiin, ayaa labadoodu iska daba-qaatay taageero ay ku dhiirri-gelinayeen Aqoonsiga Somaliland oo ay sheegeen inay u qalanto, isla markaana golahooda la soo hor-dhigo mooshin lagaga doodo Aqoonsiga Somaliland.

WARKAFadhi baarlamaanka Yurub shalay ku yeeshay xaruntooda magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska oo cod loogu qaadayey aqoonsi la siiyo dalka Falastiin, ayaa xildhibaan James Carver oo Xisbiga UKIP ugu jira Baaralamaanka, waxa uu soo dooddiisa ku dhex-darsaday qadiyadda madaxt-banaanida Somaliland.

“Waxaan muddo dheer taageersanaa madaxbanaanida dal kale oo muslim ah oo Somaliland la yidhaahdo, 3-dii bishii September, sannadkan waxaan Midowga Yurub ugu gudbiyey qoraal su’aal ku saabsan aqoonsiga Somaliland,” ayuu yidhi Xildhibaan Carver oo hadalkiisa ku darsaday doodda shalay ka dhacday Baarlamaanka Midowga Yurub.

Mr. Carver oo ka sii hadlayey jawaabta uu ka helay Guddiga Yurub, ayaa yidhi, “Guddiga Midowga Yurub ma laha awoodda ay ku aqoonsadaan dal, laakiin taa waxa awood u leh waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub, sida Sweden.”

Dhinaca kale, Gudoomiyaha xisbiga UKIP ee dalka Ingiriiska oo fadhiga shalay ee Baarlamaanka Yurub oo xubin ka yahay goob-joog ka ahaa, ayaa taageeray doodda uu xildhibaanku soo jeediyey ee ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxaanu yidhi isaga oo la hadlayey shir-gudoonka iyo mudaneyaasha Baarlamanka, “Gudoomiye, Baarlamaan, Dhowaan saaxiibkay Mr. Carver waxuu Midowga Yurub u qoray qoraal uu kaga dalbanayo aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland, taasoo loogu soo jawaabay inaan Midowga Yurub lahayn awood uu ku aqoonsado dal cusub, waxaana laguugu soo gudbiyey jawaabta inaan dalabkaasi soconayn.”

Mr. Nigel waxa uu gudoomiyaha Baarlamaanka Midowga Yurub u soo jeediyey inuu aqbalo dalabka aqoonsiga madaxbanaanida Somaliland isla makraana uu soo dhigo baarlamaanka si cod loogu qaado, waxaanu yidhi, “si haddaba ay dhab u noqoto inaan dalabkaasi soconayn, fadlan immika ma aqbalaysaa inaad dalabkaa u codeynta madaxbanaanida Somaliland soo dhigtid baarlamaanka si cod loogu qaado, si aan meesha uga saarno inaan Baarlamaanka Yurub awood u lahayn aqoonsiga waddan?” ayuu Guddoomiyuhu weydiiyey shir-guddoonkii baarlamanka Midowga Yurub.

Si kasta ha ahaatee, baaqyada ay guddoomiyaha Xisbiga UKIP iyo Xildhibaanka u gudbiyeen Goleweynaha midowga Yurub, ayaa la saadaalin karin jawaab-celinta kaga soo noqon doonta dalabkooda.

Fadhiga shalay ee baarlamaanka Yurub oo laga doodayey madax-bannaanida Somaliland, ayaa markii dambe codbixin loo qaaday, waxaana ogolaaday 498 mudane, 88 mudane way diideen halka 111 mudane ay ka aamuseen.