Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo si Adag u Weeraray Madaxweynayaasha Maamul-goboleedka Puntland iyo Soomaaliya

Hargeysa (SLpost)- Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka, ayaa hadal Hanjabaad ah ku weeraray Madaxweyneyaasha Somaliya iyo maamul-goboleedka Puntland oo uu ku eedeeyey inay maleegayaan shir-qoollo ka dhan ah Somaliland.

faysal hanjabaadGuddoomiyaha UCID oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad xisbigiisu ku soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo ku soo biiray, waxa uu madaxweynaha Somaliya uga digay sheegashada uu maamulkiisa ku hoos geeyo Somaliland, taas beddelkeedana uu marka hore isu-keeno isla markaana maamul u sameeyo deegaanka ee u dhashay.

“Waxaan leeyahay Xasan Sheekhna, waxaan ku leeyahay Waar Somaliland iyo Somaliya ma midayn kartide Hawiye maamul u samee oo magaaladaada hagaajiso,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isaga oo intaas ku daray, “Inanka Xamar ku jira ee la baray sida NGO-yada looga shaqeeyo ee madaxweynaha laga dhigay, ee ku leh waxaan xukumaa ilaa Saylac wa inaan tusnaa inaanu xukumin.”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu si adag ula hadlay madaxweynaha Cusub ee dhowaan loo doortay maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya oo uu ugu baaqay inuu maamulkiisa ku hoggaamiyo siyaasaddii ay hore ugu jeexeen madaxweynayaashii isaga ka horeeyey, waxaanu yidhi, “Madaxweynahan imika yimid waxa uu ololaha ku galay Sool iyo Sanaag, Waxaan leeyahay C/Weli, Sool iyo Sanaag dadkii lahaa baa leh, waxaan leeyahay waxa lagaa rabaa sadexdii Madaxweyne ee hore wixii wanaag ahaa ee ay sameeyeen inaad wax ku darto maaha inaad dagaal bilawdo, dagaalna waad ogtahay wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, anagu waanu idiin sheegnoo waxaanu nidhi shaf la cuno malihin ee dhabar la cuno ayaanu leenahay, intaanu sii jeedno waanala cuni karaa, laakiin markaanu soo jeedsano waad na taqaanaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay Cabdiweli codkii waad heshaye caqli ku shaqee, waxaynu ka wada shaqaynaynaa  xoolahaa Soomali magaceeda lagu qaato ee ragga Xamar ku xidhan ee la ilaalinayo, sawaaxiliga bilyaniska la siinayaa ku  ilaalinayo,  ee doonaya maanta inay ciidamo inagu samaystaan. Ciidamaa la samaynayaa waxay inagu soo socdaan inaga iyo Puntland,  waa ciidamo 80%  ay reer yihiin, Waa kuwa ku bilaabay UDUB Land, waxan leeyaay Xasan Sheekh hadaad Khaatumo sheegtay ana UDUB Land ayaan ictiraafi doonaa, oo dadkii lahaa joogaan. Waxaan leenahay ciidamadaa Soomaliya loo samaynayo waa in laga joojiyaa, ilaa shantoodu isku yimaadaan, oo dawlad goboleelodayada ay ka yimadaan ciidamo isku miisaaman,  lacagtaa Xamar la siinayo waa in laga joojiyaa, lacagtana waa in dadka Soomaaliyeed oodhan loo qaybiyaa meelkasta oo ay joogaan, qaar dawlad goboleedka ah, anagana badhkayaga saani naloo siiyaa.”

SOMALILANDPOST.NET