Guddoomiyaha Xisbiga UCID Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Xisbul Xaakimka dalka Turkiga + [Sawiro]

Advertisement

Ankara (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo socdaal shaqo ku jooga dalka Turkiga, ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee xisbiga talada dalkaasi haya ee AK Party, kaas oo ku qabsoomay xarunta ay ku leeyihiin magaalada Ankara ee magaalo-madaxda Turkey.

War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Warfaafinta ee Xisbiga UCID oo lagu faahfaahiyey ujeeddada kulanka dhexmaray Madaxda Xisbiyada UCID iyo AK Party, ayaa u qornaa sidan: “Gudoomiyaha xisbiga ucid Eng. Faysal Cali Waraabi oo uu weheliyo Siciid Cumer Axmed oo ka tirsan gudida fulinta ee xisbigaas oo socdaal shaqo ku joogay dalka turkiga ayaa kulan kula qaatay madaxda sare ee xisbiga talada dalka haya ee AK Part, xarunta ay ku leeyihiin magaalada Ankara ee cariga Turkiga.

Ninka labaad ee ugu sareeya xisbigaasi Mr.Mustafa Kabakci ayay ka wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen wada shaqayn toos ah, islamarkaana uu xisbiga AK uga caawin lahaa xisbiga cadaaladda iyo daryeelka Somaliland UCID xaga tobabarada gaar ahaan kobcinta doorka siyaasadeed ee dhalinyarada iyo haweenka, waxaana halkaasi lagu gudoonsiiyay masuuliyiinta xisbiga Ucid hadyad gaar ah halkaasi oo loogu balan qaaday in tobabaro toos ah lasiin doono garabyada dhalinyarada iyo haweenka ka tirsan xisbiga Ucid.

Advertisement

Waxa kale oo ay kulan gaar ah la qaateen gudoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga AK Part Mr.Zafer Cubukcu, halkaasi oo uu ku wargaliyay intirada dhalinyarada ka diwaan gashan xisbigaasi ay kor u dhaaftay 3 milyan, iyaga oo sidoo kale kulan fool ka fool ah ay wadaageen gudida arimaha dibedda ee xisbigaasi.

Mr.Tuba Nur Sonmer gudomiyaha gudida arimaha dibedda waxay ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa deeqda waxbarasho ee la siiyo Somaliland oo u muuqata mid looga xagliyay Somalia.

Madaxweynaha Shirkada ASE (Asia Africa Sky Express) oo ka mid ah shirkada Ganacsiga ee dalka Turkiga Mr. Sermet Certin ayay ku marti qaadeen Somaliland si uu u soo indha indhayo fursadaha maalgashi ee ka jira dalka Somaliland.”

UCID MEDIA GROUP

 

Advertisement