Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Dhambaallo Hambalyo ah u kala diray Shucuubta iyo Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya

Guddoomiyaha Kulmiye

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa laba qoraal oo uu maanta soo saaray waxa uu hambalyo ugu kala diray Guud ahaan Shacbiga Somaliland, Dawlada iyo Mujaahidiintii Ururkii SNM, gaar ahaan Xuska sannad guurada 24aad ee ka soo wareegtay dagaaladii gudo galka Magaalooyinka oo ku kala astaysnaa 27 bishii may 1988-kii oo ay Burco galeen,29kii isla bishaa oo ay Cadaadlay galeen iyo 31 bishii May 1988 oo ay Hargaysa isku soo shubeen xoogagii xaq u dirirka SNM.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa uu u rajeeyay Shacbiga Somaliland, Dawlada iyo Ciidamada difaaca dalkooda u taagan inaynu guul iyo barwaaqo ku gaadhno himilada aynu higsanayno.

Geesta kale waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse  Biixi Cabdi uu dhanbaal hambalyo ah u diray Xisbiga Xukuma dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya ee EPRDF, Dawlada iyo Shacabiga Ethiopia ee u dabaal degaya 21 Guurada ka soo wareegtay markii ay EPRDF dhinac isaga tuurtay Xukunkii Dergiga (Labaatan Gimbod) oo ku beegnayd 28-kii bishii May 1988kii.

Qoraalkan Gudoomiyuhu waxa uu ku bogaadiyay Xisbiga EPRDF,Shacbiga iyo Dawlada Ethiopia guulaha dhinac walba ah ee ay gaadheen, waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md.Muuse Biixi Cabdi uu rajeeyay dawlada Ethiopia inay horumar iyo barwaaqo ay ku gaadhaan rajooyinka ay filanayaan.

SLpost News/Hargeysa