Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo wefti uu hoggaaminayo oo soo-dhawayn aan loo kala hadhin kala kulmay dadweynaha Gobolka Saaxil

Berbera, (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada kaga jira xisbiga, garabka haweenka iyo masuulliyiin xisbiga ka tirsan, ayaa maanta safar ku soo gaadhay magaaladan Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.

Wefiga oo saaka ka soo jarmaaday magaalada Hargeysa waxay khudbado u jeediyeen boqollaal ka mid ah taageerayaasha xisbiga oo calleemo qoyan iyo calamada KULMIYE ku soo dhaweeyay magaalooyinka  Laasgeel iyo Mandheera.

Guddoomiyaha Degmada Laasgeel Axmed Muuse oo ka hadlay madasha loo sammeeyay soo dhawaynta weftiga KULMIYE, ayaa sheegay in markii ugu danbaysay ee Guddoomiyaha KULMIYE ku yimaaddo Dacarbudhuq ay ahayd xilligii ololaha doorashada madaxtooyadda oo uu markaa Guddoomiye ka ahaa xisbiga Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo).

Chief-caaqil Axmed Caaqil yare oo ka mid ah cuqaasha Gobolka Saaxil, ayaa sheegay inay soo dhawaynayaan weftiga uu horkacayo Muuse Biixi Cabdi, “magaaladu waa magaaladadadii, waa taad u soo halgantay, waa Ilaahay mahadii inagoo xor ah, adigoo xisbiga xukuumadda Guddoomiye ka ah inaynu halkan isugu nimaadno. Xisbiga xukuummiga ah waxaannu ka codsanaynaa inay I hoose u eegaan Degmadan oo Laageel oo baahi badan ka jirto inaad tallo qaran ka bixisyo,” ayuu yidhi Axmed Caaqil yare.

Sidoo kale, qaar ka mid ah odayaasha degmada Laasgeel, ayaa ka dalbaday Guddoomiyaha Xisbiga inuu wax kala qabto dhibaato caafimaad daro oo dadka deegaanka ka muujiyeen inay kala kulmeen wershadaha hargaha ee Laasgeel.

Guddoomiyaha KULMIYE oo la hadlayay dadweynaha reer Dacarbudhucq, ayaa uga mahadceliyay sida ay u soo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa, “Anigoo ku hadlaya magaca xisbiga KUMIYE oo ay igu weheliyaan hoggaankii xisbiga ee Guddiga fulinta, mudanayaasha baarlammaanka xisbiga, garabka haweenka iyo masuulliyiin kale, waxaan aad iyi aad idiinka mahadnaqayaa niyad-samida iyo shucuurta aad nagu soo dhawayseen.”

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu hoosta ka xaqriiqay muhiimmada Degmada Laasgeel u leedahay Somaliland, waxaannu yidhi, “Degmada Laasgeel muhiimad gaara bay ku leedahay gobollada Somaliland oo dhan, waa meesha qudha ee adduunka oo dhami ka yaqaano ee soo eegayo aataarta aad qiimaha innoogu fadhida ee Laasgeel.”

Guddoomiye Muuse waxa uu intaa raaciyay, “Waxa kale oo gaar ahaan aan doonayaa inaan anigu halkan uga duceeyo maanta haday nooshahayna aan uga mahad naqi lahaa Sahra Cali Gaydh oo maqaaxi dergad ah oo ku taalay laamiga hareertiisa ku haysatay Ilaahay naxariistii janno ka ha waraabiyee, gabadhaasi waayaha qaarkood way noogu suntanayd Dacarbudhuq, saacad kasta oo aanu nimaadno Sahra waxay na siin jirtay Caano, laxoox amma neef adhiyay noo qali jirtay, adduun namay weydiin jirin, waanay nagu leedahay xaqeedii. Dacarbudhuq hablaheedaa taariikdaa leh, odayaasheedana maxaad u malaysay?.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay cabasho oday dhaqammeedku kaga cawdeen wershadaha hoodhinta hargaha oo ay sheegeen inay dhibaatooyin caafimaad daro ka dhaxleen, waxa uu yidhi. “Arrinta wershashada ee cabashada laga muujiyay horta waxa ku shaqo leh waraadaha caafimaadka, deegaanka iyo qorshaynta, arrintani maah cabasho, laakiin waa mid halis ah, mar haday caafimaadkii samamysayna waannu ka hawlgelaynaa ku bushaaraysta.

Guddoomiyaha iyo weftigiisa waxay u gudbeen magaalada Mandheera ee Gobolka Saaxil, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan, Guddoomiyaha Degmada Mandheera, iyo dadweynaha degmada, waxaannu Guddoomiyuhu xadhiga ka jaray xafiis cusub oo xisbiga KULMIYE ka furtay Mandheera.

Guddoomiyaha iyo weftigiisu waxay u soo baqoolleen dhinaca magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil, halkaasoo tuullada Dari-godle kaga hor yimaadeen masuulliyiin ka tirsan xisbigaas, hadda se xilal kala duwan ka haya Gobolka Saaxil, kuwaasoo ay ka mid yihiin Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Berbera, Maareeyaha Haamaha oo hore u ahaa Guddoomiyihii KULMIYE ee Saaxil, Xoghayaha Dawladda Hoose, Badhasaab ku-xigeenka Gobolka, boqollaal ka mid ah dadweynaha reer Berbera iyo gaadiid tiro badan oo taxnaa kadinka laga soo galo Berbera illaa laga gaadhayo gudaha magaalada.

Weftiga KULMIYE iyo boqollaal gaadiid ah oo ay ka babanayaan calanka KULMIYE waxay dhexmareen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Berbera dhexmara,waxaannu Guddoomiyaha KUMIYE war kooban oo uu saxaafadda siiyay ku sheegay in safarkoodu salka ku hayo mid ay ugu diyaargaroobayaan doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee la filayo inay horaanka sanadka 2012 ka dhacaan dalka iyo dib u habayn ay ku sammayn doonaan xafiisyada xisga iyo hawlwadeennadiisa gobollada,

Mar uu guuddoomiyuhu ka hadlayey ujeedada socdaalkiisa, waxaan yidhi, “Waxaann ka mahadcelinayaa sida wacan ee Gobolka Saaxil noo soo dhaweeyeen, laga soo bilaabo xadka Saaxil illaa intaanu Berbera ka soo gaadhaynay, habeen danbe waxaynu ka wada hadli doonaa fagaaraha Khayriyadda. Si kooban haddaan uga hadlo safarkayagu wuxuu yahay kormeer aanu gobollada ku marayno iyo isu diyaarin doorashada soo socota iyo inaanu is xogwaraysano.” Ayuu si kooban u yidhi Guddoomiye Muuse oo farxad kala kulmay soo dhawayntii ugu ballaadhnayd ee uu Saaxil kala kulmay maanta.

SLpost News Desk

Yaasiin_29@rocketmail.com