Guddoomiyaha Xidigaha Geeska oo cambaareeyey Xadhigga Fannaaniin kooxda ka tirsan oo Muqdisho ka soo laabtay

XHargeys (SLpost)- Guddoomiyaha Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska ee fadhiggoodu yahay magaalada Hargeysa, Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax), ayaa cambaareeyey xadhig loo geystay qaar ka tirsan Fannaaniinta Kooxda oo maanta ka soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya oo ay bandhig-faneed ku qabteen todobaadkan.

Fannaaniinta la xidh-xidhay oo magacyadoodu kala yihiin Nimcaan Hilaac, Xamda Queen, Maxamed Ciro iyo Cabdiraxmaan Oday, ayaa gelinkii dambe ee maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kaddib markii ay diyaarad ka soo raaceen magaalada Muqdisho oo ay ku qabteen bandhig-faneed ay kula dabbaal-dageen shacabka magaaladadaas munaasibaddii Ciidal Adxaha.

Haddaba Maamulka Sare ee Kooxda Xiddigaha Geeska oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Xasan Dhuxul oo xadhigga weriyeyaasha kaddib shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay inay koox ahaan ka tirsan yihiin qaybaha bulshada ee siyaasadda ka madax-bannaan, sidaas awgeedna maadama oo ay fannaaniin yihiin ay u shaqaynayaan umadda Afka Soomaaliga ku hadasha.

HALKAN HOOSE KA DAAWO WARKAN