Guddoomiyaha Xafiiska Xidhiidhinta Jaaliyadaha Somaliland oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Weftigiisa ku bogaadiyey Guusha Shirkii London

Hargeysa, 26 February, 2012 (SLpost)- Xidhiidhiyaha Xafiiska Jaaliyaddaha Somaliland Maxamuud C/Raxmaan Cali, ayaa bogaadiyay madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hoggaaminayay ee ka qeyb galay shirweynihii London oo uu tilmaamay inay guul weyn u soo hooyeen Somaliland.

Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Xidhiidhiyaha Xafiiska Jaaliyaddaha Somaliland Maxamuud C/Raxmaan Cali, soona gaadhay Shabakaddan Wararka ee SomalilandPost kaas oo u dhignaa sidan:-

“Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland waxa uu Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo ) iyo wefti-giisii ka qayb-galay shirka London oo guul weyn u soo hooyay Qaranimadda iyo jiritaanka Somaliland halkaas oo uu Khudbad wax ku ool ahayd uu ka jeediyay Madaxweynahu Shirkii London taas oo taariikhda Somaliland ku suntantay.

waxa kale oo uu xafiisku Hambalyo aan la soo koobi Karin u dirayaa Jaaliyadaha Somaliland ee UK,Denmark,Sweden,Holland ,Canada Irland,Norway,Finland iyo USA ee ka Qayb-qaatay Mudaharaadkii 22/02/2012 ka Dhacay Guriga Raysal wasaaraha Dalka ingriiska 10 Down St, kaas oo ay ku soo bandhigeen Taageeradda ay u hayaan Madaxweynahooda iyo Madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland iyagoo muujiyay Rabitaankooda in aqoonsi buuxa ka helaan dunida.

Xafiiska Xidhiidhka jaaliyadaha Somaliland waxa ku dhiiri-galinayaa Jaaliyadaha Somaliland inaanay ka daalin Dadaalka ay ugu jiraan ka midho dhalinta Aqoonsi caalamiya oo uu helo dalkeena Jamhuuriyadda Somaliland.”

SOMALILANDPOST NEWS

webmaster@somalilandpost.net