Guddoomiyaha Wakiillada Oo Saxay Qaladkii Sababay Khilaafka Sharci ee Mudaneyaasha Golaha

Hargeysa (SLpost)- Fadhiga Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa saaka dib u furmay ka dib muddo kooban oo uu khilaaf mudaneyaasha soo kala dhex-galay u hakaday.

Fadhigan maanta oo uu shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu guddoomiyuhu sheegay in khilaafkii soo kala dhex-galay laga wada hadlay lana dhameeyey.

Golaha ayaa saaka loo qaybiyey nuqulka Xeerka Shirkadaha Caymiska oo doodiisu fadhiyada soo socda bilaabmi doonto, waxaanu guddoomiyuhu fadhiga ka sheegay inaanay suurta-gal ahayn in la gudo-galo cod u qaadista xeer aanay mudaneyaashu ka doodin.

Hadalkan guddoomiyaha ayaa u muuqda inuu sixitaan u yahay khilaafkii kala qaybiyey mudaneyaasha Golaha, kaas oo ku yimi kaddib markii Goluhu dhawaan Si juujuub ah u ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey xeerka doorashooyinka oo aanay Mudaneyaashu ka doodin.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo hadalkii Guddoomiyuhu Saaka ka jeediyey Golaha