Guddoomiyaha Wakiillada oo markii ugu horreysay ka hadlay sababta soo dedejisay Ansixinta laba xeer oo midkood Golaha buuq ka dhex dhaliyey

Hargeysa, 25 February, 2012(SLpost))-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii ugu horreysa ka hadlay sababaha soo dadejiyey labada xeer ee kala ahaa Xeerka kala wareejinta maxaabista iyo Xeerka la-dagaalkan Budhcadbaddeeda oo ay golaha wakiilada Somaliland toddobaadkii hore ansixiyeen.

Labadan xeer oo mid ka mid ahi buuq iyo dood badan ka dhex dhaliyey golaha Wakiilada ayuu guddoomiye Cirro ku sababeeyey in ay xukuumaddu soo codsatay in degdeg loo ansixiyo, isaga oo arrintan ka haddlayan waxa uu yidhi, “Horta waxaan ajendaha ku jirin yaa sheegi kara xeerka fasaxaya, distuurkaa fasaaxaya, xeer-hoosaadka fasaxaaya. Ajendaha laftigiisa ayay ku qorantahay ajende kasta qodobka ugu dambeeya iyo wixii soo kordhaba.”

Guddoomiyuhu waxa uu hadalkiisii sii raaciyey, “Marka ajendaha kumay jirin oo maaha maslaxadda ummada halkan lagaga shaqaynayaa, distuurku waxa uu tilmaamayaa  xeerarka ay xukuumaddu codsato ayaa mudnaanta koowaad la siinayaa oo xukuumadaa soo codsatay oo madaxweynaha ayaa soo codsaday oo qarankaa degdeg ugu baahday oo golaha ayaa la horkeenay oo waa laga dooday labada xeer midkood.”

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu isaga oo sababaynaya ujeeddada laga lahaa xeerka Maxaabiista ee aan goluhu ka doodin, waxa uu sheegay in mudanayaasha qaarkood codsadeen in aan laga doonin, “Ka kalena golaha doortay in aan laga doodin oo anagu (shir-guddoonka) waxaanu doonaynay in labada xeerba laga doodo oo waa loo coddeeyey, anagu waxaanu nidhi si qora mudanayaashii is qorayey xeerka kala wareejinta maxaabista mudanayaalbaa is qoray, haddana markii dambe waxay mudanayaashu doorteen in loo codeeyo oo xeerna waa loo coddeeyey midna golaha doortay in loo coddeeyo waana loo codeeyey.”

SOMALILANPOST NEWS

contact@somalilandpost.net