Guddoomiyaha Wakiillada oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qoraal ay Komishanka Doorashooyinku U Soo Gudbiyeen oo uu dib ugu celiyey

Hargeysa (SLpost)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiramaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ahna Gudoomiyaha Ururka WADANI ayaa maanta markii ugu horaysay faahfaahin ka bixiyey Qoraal ay Komishanka Doorashooyinku u soo gudibyeen shir gudoonka  Wakiilada.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Ciro ayaa waxa uu sheegay inay dhawaan Gudida Doorashooyinka Qaranku shir-gudoonka Golaha Wakiilada u soo gudbiyeen laba qoraal oo ay labda Xasbi  Mucaarid soo qoreen.

Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu sheegay inay qoraal jawaab ah u direen Gudida doorashooyinka, Qoraalkaas oo uu sheegay in Shir-gudoonka baarlamaanku ugu cadeeyeen qaabka ay u bananaato xubinta Golaha Wakiiladu iyo sida loo buuxinayo.

Ugu horayna Md. Cabdiramaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro ) ayaa waxa uu ka hadlay qoraalka ay ka heleen gudida doorashooyinka waxana uu yidhi “ waxaynu nahay Qaran Somaliland la yidhaahdo waxana aynu leenahay ha’ayado kala madaxbanaan waxana ha’aydadaasi ka dhaxeeya wada shaqayn hadaanu Golaha wakiilada nahayna waxa naga dhaxeeyey wada shaqayn wanaagsan, haday yihiin Gudida Doorashooyinka ama asxaabta jirtaba, waxanay hay’adahaasi  leeyihiin awooda iyo xeerar sharci oo u gaar ah, markaas anaga oo ixtiraamayna Komishanka Doorashooyinka waxay Golaha u soo gudbiyeen labada waraqood oo ka kala yimid Xisbiyada UCID iyo UDUB, waxan aanau u tilmaanay nidaanka loo raacayo xubinta ka banaanata Golaha Wakiilada oo ku qeexan xeerka lagu dooratay Golaha, hadii ay jago banaanato Golaha Wakiilada waxa baahinteeda isla leh Golaha Wakiilada Komishankuna ma laha cid kalena ma laha, mana baahin karaan waxan aanu rajaynanaa in wada shaqayntii halkaasi ka sii socon doonto, wixii khalaada la sixi doono.” Ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Ciro.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa waxa mar aanu weydiinay nuxurka labada qoraal ee ay soo direen xisbiyada UDUB iyo UCID isla markaan auu komishanku Golaha u soo gudbiyey ayaa wax uu  ku jawaabay “ labada warqadood ayuun bay ahaayeen, waxanay lahaayeen xildhibaanaa naga baxay, waxa aanu u tilmaanay uun qodobadaa dastuurka ku qeexan iyo shuruucada dalka ee arintaasi ku saabsan.” Ayuu yidhi Md.  Ciro.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net