Guddoomiyaha WADDANI oo xilal kala duwan u magacaabay Xisbigiisa iyo Magacyada Masuuliyiinta loo igmaday

“Radio Hargeysa Wuxuu U Egyahay Radiyoowgii Dadka Ruwaanda  Xasuuqay”Gudoomiye CirroHargeysa (SLpost) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xilal Kala duwan u magacaabay Masuuliyiin uu ku jiro gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.

Xilalkan uu magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Dr Ciro ayaa waxa ka mid ah Xidhiidhiyaha Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane: Siciid Muuse Cabdi (Bustaale), halka Mudane Xuseen Cismaan Cabdi loo magacaabo inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Dib-u-dejinta ee Xisbiga Waddani.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi, waxa uu isla maanta magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane Xuseen Aadan Cabdi (Aadan Cadde) Iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani oo uu u magacaabay Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Daahir.

Waxaana lagu sheegay War-saxaafadeedka inuu Gudoomiye Ciro uu magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 29aad farqadiisa 2aad iyo qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga, waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo

Waxaanay u dhignaayeen xilalka uu Magacaabay Gudoomiye Ciro sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2451/2017                                                                   10th June, 2017

KU: Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac                                                         Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Gobollada Dalka                                                                 Hargeysa

OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI                                                         Hargeysa

OG: Hogaanka Xisbiga WADDANI                                                                         Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI                                                        Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI                                                                  Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah                                                          Hargeysa

Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:          Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay:             Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday:   Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:    Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

 

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac loo magacaabo Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Waddani.”

 “Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:                 Qodobka 29aad, Farqadiisa 2aad Iyo 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan la tashaday:          Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:              Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Maanta oo taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 wuxuu hoggaanka xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane: Xuseen Aadan Cabdi (Aadan Cadde) inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani.

Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa inuu ku soo kordhiyo fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.”

“Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:          Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay:             Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday:   Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:    Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Siciid Muuse Cabdi (Bustaale) inuu noqdo Xidhiidhiyaha Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ee xisbiga Waddani.

Waxaan Ilaahay kaaga baryeynaa inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.”

 “Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:          Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay:             Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday:   Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:    Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Xuseen Cismaan Cabdi loo magacaabo inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Dib-u-dejinta ee Xisbiga Waddani.

Waxaan Ilaahay kaaga baryeynaa inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI “