Guddoomiyaha Waddani oo magacaabay Xilal Cusub iyo Guddi-hawleedyo Xisbigu yeelanayo

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa magacaabay Xilalka kala duwan ee Xisbigaasi yeelan doono si loo der-der galiyo hawlaha Xisbiga.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sidoo kale magacaabay Guddi-hawleedyo ay xubno ka yihiin shakhsiyaad magac ku leh bulshada dhexdeeda oo xisbiga ka tirsan, kuwaas ka qayb-qaadanaya hawlaha dar-dar gelinta Xisbiga.

cabdiraxman-cirroWarsaxaafadeedyo uu ku saxeexan yahay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo xambaarsan magacaabista xilalka iyo guddi-hawleedyada Xisiga, ayaa u dhignaa sidan:

“Tixraac shirkaa xubnaha Hogaanka Xisbiga ee 23 Feb 2013

Tixraac Shirkii Gudidda Fulinta ee 2 March 2013

Tixraac shirka xubnaha Hogaanka Xisbiga ee 9th March 2013

Tixraac Qod. 28aad ee Xeerka Xisbiga

Tixraac Qod. 29aad ee Xeerka Xisbiga

Si loo dardargeliyo hawlaha Xisbiga Waxa Hogaanka iyo Gudidda Fulinta isla qaateen in la bilaabo dhismaha qaab dhismeedka Xisbiga.

Iyada oo laga duulayo hirgelinta go,aankaas waxa lagu wargelinayaa xubnaha warqaddu tooska ugu socota in loo magaacaabay xilalka hoos ku qoran.

  1. Md. Jamaal Jamac Xaamud, Ku Xigeenka Xoghayaha Guud.
  2. Md. Axmed Xaaji Daahir, la Taliyaha Gudoomiyaha ee Arrimaha Siyaasadda
  3. Md. Axmed Xuseen Fagfagaash, Xoghayaha Maaliyadda.
  4. Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), Hanti Dhawraha Guud ee Xisbiga.
  5. Md  Fawsi Xaaji Cabdilaahi Diiriye, Xoghayaha Ganacsiga iyo Warshadeynta.
  6. Xil. Maxamed Wali Cali Xasan, Xoghayaha shaqada iyo Arrimaha Bulshada.
  7. Dr. Elmi Maxamed Cabdi, Xoghayaha Qorsheynta.
  8. Md. Maxamed Xasan Dirir, Xoghayaha Warfaafinta.
  9. Md. Jamaac Maxamed Cabdi Hilaac, Xoghayaha Deb u dejinta.
  10. Md. Xasan Axmed Muuse, Xoghayaha Xanaanada Xoolaha.
  11. Sheekh Axmed Cabdilaahi Xuseen (Alimaam), Xoghayaha Garsoorka (Judiciary).
  12. Marwo. Roda Cabdi Muuse, Xoghayaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
  13. Md. Cali Cabdilaahi Dagaal, Xogahayha Dhaqanka iyo Hidaha.
  14. Md. Axmed Cabdilaahi Maxamed (Dhagayare), Xoghayaha Waxbarashada iyo tacliinta sare.
  15. Md. Cabdilaahi Jaamac Daahir (Cabdilaahi Baashe), Xoghayaha Diinta iyo awqaafta.
  16. Md. Cismaan Afgaab Nuur, Xoghayaha Golaha Dhexe.

Xubnaha xilalka loo magaacabay waxa la farayaa inay xilakaas Xisbigu u magaacabay u gutaan si waafaqsan Xeerka Xisbiga, waxaanan ilaahay u baryeynaa inuu fududeeyo gudashada xilakaas.”

Sidoo kale, qoraalka guddoomiyuhu ku magacaabay Guddi-hawleedyada, ayaa u dhignaa sidan:

”Tixraac Shirka bilaha ah ee Gudidda Fulinta ee Xisbiga WADDANI ee ku qabsoomay xarunta Xisbiga  2nd March 2013.

Tixraac qod 10aad ee xeerka Xisbiga WADDANI.

Iyadoo la Tixraacayo qod 29aad faq. 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI, waxaan si loo dardargeliyo hawlaha Xisbiga waxaan halkan ku magacaabaya Guddi Hawleedyo.

1. GUDIDDA ARRIMAHA DIBEDDA IYO ISKAASHIGA CAALAMIGA AH: Dr Mohamed Osman Fadal, Danjire Cumar Xaaji Maxamuud Cismaan, Xuseen Aadan Cali (Asad), Xil Xuseen Maxamed Cige, Danjire Axmed Xasan Cigaal, Danjire Maxamed Cali Cabdi, Danjire Maxamed Aar Cabdilaahi, Danjire Maxamed Cabdilaahi, Danjire Fadumo Cali Madar, Danjire Caydaruus Sheekh Adan, Danjire Axmed Cabdilaahi Cawaale, Eng Abdirashid Maxamuud Cali.

2. GUDDIDA DHAQAALAHA: Md Maxamed Cali Geeddi, Dr Axmed Adan Buuxane, Md Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, Md Cabdilaahi Jaamac Muuse, Abdirahman Cismaan Aadan Sagal, Eng Hussein Maxamed Jiciir, Abdirahman Dirir Amare, Khadra cabdi Maxamed, Faadumo Shaacib Odowaa, Cismaan Ibrahim Axmed, Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh), Cabdi Aw Siciid Cawaale Axmed.

3. GUDDIDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA: Axmed Cali Ubaxle, Col  Cali Xaaji Maxamed, Col Carab Ducaale, Col Maxamed Xasan Baashi, Col Cumar Nimcaale, Col Axmed Jaamac, Md Axmed Xaaji Daahir, Axmed Maxamed Filanwaa, Cabdilaahi Axmed Daamur, Mursal Xaaji Geelle, Cabdirashiid Macallin, Cali Cabdillahi Dagaal, Axmed Boodhle Yusuf, Xil. Cabdiraxmaan Muuse Jaamac, Saalax Maxamed Idiris (Shiine).

4. GUDIIDA CILMI BAADHISTA IYO RAADRAACA (RESEARCH AND DOCUMENTATION COMMITTEE): Dr Cabdisalam Yasin, Dr Elmi Maxamed Nuur, Eng Muusa Cabdillahi, Dr  Mustafa Cabdilaahi Jaamac, Cali Ibrahim Jama, Axmed Cabdi Ciise, Kayse Cali Geeddi, Maxamed Sidiiq Cabdilaahi, Xil Siciid Maxamed Cilmi, Naasir Xaaji Cali Shire.

5. GUDDIDA WARBAAHINTA  IYO SAXAAFADDA: Maxamed Cabdilaahi  Uurcadde, Cali Maxamed Warancadde, Jamaal Jaamac xaamud, Maxamed Xasan Dirir, Osmaan Afgaab Nuur, Ibrahim Mahdi Buubaa, Xasan Xuseen Codyare, Hinda Xasan Idiris, Gudoomiye Ku Xigeenada Xisbiga.

6. GUDDIDA ARRIMAHA BULSHADA: Dr Cilmi Maxamed Nuur, Hinda Jamac Xirsi, Maxamed cali Geeddi, Nuur Amiin Ismaacil, Faadumo Shaacib, Dr Abdisalam Yasin, Dr Abdirahman Muumin, Ahmed Abdillahi Mohamed, Xil Baar Siciid, Khadiija Xaaji Ismaacil Baandare, Sucaad Cabdilaahi Xussen, Najax Cabdilaahi Xasan, Axmed Maxamed Qalinle, Muse Gaydh Nuur, Cabdiraxmaan Xuseen.”