Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Online-ka Somaliland Ee SOMA Oo Bahda Saxaafadda Ku Hambalyeeyey Curashada Bisha Ramadaan

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Mareegaha Somaliland ee Somaliland Online Media Association (SOMA), Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) ayaa guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo umadda Islaamka meel ay joogaanba ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curatay 1 Ramadan, 1442 oo u beegan 13 April, 2021-ka.

“Bilashada bishan barakeysan ee Ramadaan waxa ay xambaarsan tahay khayr badan. waa bishii kheyrka, waa bishii towbadda, cafiska, waa bisha uu ku jiray habeenka kheyrka baddan ee Leylatul Qadriga. waa bisha sheydaanka la xidho oo Alle uu naarta ka xoreeyo muslimiin badan oo uu waafajiyey khayrka bishan,” ayuu yidhi guddoomiyaha SOMA.

Mustafe-Janaale wuxuu shucuubta Islaamka,shacabka reer Somaliland-ba iyo bahda Saxaafadda u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda.

“ILAAHAY waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida COVID 19, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sanadkan sanadkiisa, illaahayna waxaynu weydiisanaynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado.”

Ugu danbayntii, waxa uu Gudoomiyuhu ummadda reer Somaliland iyo bahda Saxaafadda Online-ka kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan, kuna dadaalaan cibaadada islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl,.

“Waxaan rabi uga rajaynayaa shacabka Somaliland, bahda Saxaafadda Online-ka iyo Warbaahinta kale-ba inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo,” ayuu yidhi Mustafe Cabdi Maxamed.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net