Guddoomiyaha UCID oo Masuuliyiin Cusub u Magacaabay Laamaha Xisbiga ee Qaaradda Yurub (Akhriso Magacyada 26 Masuul))

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa Masuuliyiin kala geddisan Xisbiga uga magacaabay xilal kala duwan, kuwaasoo uu inta badan u magacaabay hoggaaminta Laamaha dibedda ee UCID.

FAYSAL-NEWONESidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed qoraal ah oo uu galabta soo saaray Guddoomiyaha UCID, kaasoo lagu sharraxay magacyada Masuuliyiinta iyo xilalka loo kala magacaabay. War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Xafiiska Aftahannews ee magaalada Hargeysa waxa uu u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Markii ay u soo jeediyeen Guddida iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dalka UK iyo Yurub in loo Magacaabo Guddida Mustanbeedka.

Xil-magacaabis

Guddoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID Markii ay u soo jeediyeen Guddida iyo Taageerayaasha Xisbiga UCID ee Dalka UK iyo Yurub in loo Magacaabo Guddida Mustanbeedka/Anshaxa Xisbiga ee Dalka UK Xubnahan Hoos ku qoran:

Guddiga Anshaxa/Mustanbeedka

1. Mud. Awil Abdillahi Xayd.

2. Adan Mooge hirse (Adan Ingiriis)-Gudoomiyaha

3. Foosi Xaaji Yuusuf

4. Hassan Moalin Osman

5. Saed Omar Amed(Said UCID)

6.  Abokor Mohamed Shukri

7.  Abdi Ali Muse(Daakir)

8. DR. Mohamed Abdillahi Mohamed (AAR)

9. Abdihakim Ali Hayd

10. Mohamed Ciise Jaamac

11. Osman Mohamed Ahmed (Alabohaye)

12. Sidiiq hussein Abdillahi Hurruufe.

Finland

1.       Mud. Awil Abdillahi Xayd

Gudomiyaha abaabul ka  iyo wacyi Gelinta ee Laanta Findland

YURUB

1. Saynab Haji Gaydh  -Gudoomiyaha Garab haweenka ee YURUB

2. Mustafe Abdullahi Ali -Xohaya Yurub ahna Lataliyaha Gudoomiyaha UK

UK

1-  Cabdi Cali Muuse (Daakir) -Xoghayaha Ganacsiga iyo Maalgashiga

2-   Xaamud osman (Dabagale)  Xoghayaha UK

UK-G/Haweenka

1.  Fardus Cige    Gudoomiyaha G/Haweenka ee UK

2.  Foosiya Caydiid Aadan, Gud Ku Xigeenka 1aad ee G/Haweenka UK

3.  Saynab Cabddillahi Hussein (Saynab Xabashi)   G.Kuxigeenka 2baad UK

4.  Foosiya Cisman Cawale -Xoghayaha Abaabulka iyo xidhiidhka gobolada UK – G.Dumarka

5.  Sahra Ismail Hassan -Gudoomiyaha Maaliyada ee UK

6.    Ayaan Idris Yusuf  – Khasnagi 1baad UK

7.    Nimco Wais – Khasnagi  2baad UK

London

Roda Muxumed Abokor   –  Gudoomiye ku xigeenka London

Asha Yusuf Ali   -Xoghayaha London

Sidaa awgeed waxa la faray in hawshooda si dhakhso ah u bilaabaan kana soo baxaan waajibaadka loo igmaday. Waxaannu Illaahay uga baryaynaa in uu  u fuduudeeyo xilka  loo dhiibay.”

 

SOMALILANDPOST.NET