Guddoomiyaha UCID oo fashiliyey Qorshe mucaaradku la maaggan yihiin Xukuumadda Siilaanyo oo Wejigiisii Koowaad ay Golaha Wakiilladu Meelmariyeen

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, ayaa soo dhaweeyay wax ka bedalka lagu sameeyay xeerka hoosaadka golaha Wakiilada, kaas oo meesha ka saaray awooddii ay lahaayeen labadada guddoomiye ku xigeen ee golahaas.

FAYSAL-NEWONEGudoomiye Faysal Cali Waraabe ka dhawaajiyay in lagu xigsiin doono mooshin maamus ka xayuubin loogu samaynayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waa siduu hadalka u dhigaye.

Guddoomiyaha UCID oo maanta la hadlaayay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada kadib markii xeerkaas la ansixiyay ayaa ku tiraabay. Golihii wakiiladu hadda ayuunbyy shaqeeyay, wuxuu noqday gole dhab ah, waxaa ku xigi doona mooshin Madaxweynaha maamus ka xayuubin loogu samayn doono, ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda la hadlay waxaanu intaasi ku daray 8220;42 Xildhibaan ayuu u baahan yahay, imikana in ka badan ayaa hadda golaha ka soo horjeeda (Madaxwaynaha).

Hoggaamiyaha Xisbiga UCID ayaa farxad iyo rayn rayn ballaadhan ka muujiyay isbadalka golaha wakiilada ku dhacay, iyadoo muddo dheer  golahaas lagu xidhiidhinayay dhinaca Xukuumadda.

Isbadalka golaha wakiilada ayaa loo aanaynayaa khilaafka Xisbiga KULMIYE oo isu badalay Xisbi kooxo u kala socda, waxayna taasi dhabar jab ku keentay Xukuumaddii uu hoggaaminaayay Madaxweyne Axmed Silaanyo, oo hadda lala marayo in mooshin Maamus ka xayuubin ah lagu soo gole joojin doono Madaxweynaha sida uu ku doodaayo Faysal Cali Waraabe, waxaana arrintaas loo aanaynayaa in aanay Madaxweynaha Mucaaridad xoogani ku kacsanayn, balse dhibaatada ugu darani ka haysato dhinaca xisbiga KULMIYE.

SOMALILANDPOST.NET