Guddoomiyaha SOLJA Oo Ka Warbixiyay Tabobaro Ay U Samaynayaan Suxufiyiinta Gobollada

Hargeysa, (SLP)- Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa sheegay inay bilaabayaan tabobaro kor loogu qaadayo xirfadda weriyeyaasha gobollada Somaliland, kaasoo uu sheegay inuu yahay mid muhiimad weyn u leh warbaahinta.xuuto

Guddoomiye Xuuto ayaa tilmaamay in tabobaradaas ay bixinayaan macalimiin xirfad durugsan u leh minhnadda saxaafadda. “Solja ahaan waxaanu qorsheynay maadaama oo baahidaasi jirto in la xoojiyo oo tabobarada culayska la saaro oo aqoon heer jaamacaddeed ah la gaadhsiiyo, inta ka horeysana aanu xarunta Solja kusii bixino tabobaradaas.” ayuu yidhi Guddoomiyaha  ururka Solja.

Waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Sabtida waxaanu bilaabaynaa tabobaro muhiim ah, kuwaasoo aanu ka bilaabi doono gobolka Awdal oo aanu ku tabobari doono suxufiyiinta saddexda gobol ee Saaxil, Maroodi-jeex iyo Awdal. Saddexda gobol ee kale ee Sanaag, Togdheer iyo Sool, waxaanu ugu qaban doonaa magaalada Laascaanood, halkaasoo ay tageen xubnihii hawshaas fulin lahaa, kuwaasoo uu hogaaminayo guddoomiye ku-xigeenka Ururka Keyse Axmed Digaale iyo macalimiin khubaro ah oo isla gobolkaas jooga, maadaama oo uu gobolkaas ka fog yahay caasimadda waxaanu u xulanay in macalimiin khibrad dheer oo heer jaamacadeed ah oo halkaas ku sugan ay fuliyaan tabobarkaas, anaga oo ku xoojinayna macalimiin aanu Hargeysa uga dirayno.”

Somalilandpost.net