Guddoomiyaha Shirkadda TELESOM oo Markii u horreysay macaamiisha isticmaasha Adeegga telefoonada gacanta Fariin Maqal ah ugu gudbiyey bogaadinta Munaasibad Farxadeed

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom Cabdikariim Maxamed Iid, ayaa markii u horreysay macaamiisha Shirkadda hambalyo ugu soo gudbiyey fariin Cod ah oo loogu diray telefoonnadooda gacanta.

Farriinta Guddoomiyaha Telesom hambalyada ugu diray macaamiisha Shirkadda ee isticmaala telefoonada Gacanta (Mobile) oo xambaarsanayd bogaadinta munaasibadda Ciidal-Fidriga awgeed, ayaa noqonaysaa tii ugu horreysay nooceeda ee madaxda Shirkaddaasi Shakhsi ahaan xidhiidh kula sameeyaan macaamiisha isticmaasha adeegyada Telefoonnada Gacanta, marka laga reebo farriimo qoraal ah oo ay shikaddu telefoonnada macaamiisheeda ugu gudbin jirtay bogaadinta munaasibadahan oo kale.

telesome

Dhambaalka codka ah ee guddoomiyaha TELESOM hambalyada ugu gudbiyey macaamiisha Shirkadda oo muddo dhowr iyo toban ilbodhiqsi ah ahayd, ayaa lagu spo gudbiyey number ay shirkaddu u isticmaasho adeegga ILA MAQAL oo loo adeegsado codadka khadka Wicitaanka (Caller ringback tones), Kaas oo sida Call-ka caadiga u soo galay telefoonnada macaamiisha Shirkadda. Numberkan oo ah 118 isla markaana xambaarsanaa farrinta Codka ah ee guddoomiye Cabdikariim M. Iid, ayaa si call-ka caadiga ah u soo galayey telefoonada, kaas oo marka la qabtaba ku bilaabaya guddoomiyaha oo sheegaya magaciisa iyo ujeeddada Farriintiisa.

“Waxaan ahay Guddoomiyaha Shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid. Waxaan halkan Hambalyo uga dirayaa munaasibadda Ciidal-Adxa Awgeed dhamaan shacabka Muslimiinta, Gaar ahaan Shacabka Somaliland,” ayaa ka mid ahaa dhambaalka codka ah ee guddoomiyaha Telesom kaga qayb qaatay hambalyada munaasinadda Ciidul-Adxaha.

Haseyeeshee farriintan guddoomiye Cabdikariim hawada u mariyey macaamiisha Shirkadda, ayaanay wada helin dhammaan dadka isticmaala adeegga telefoonada Gacanta ee Telesom, Waxaanu inta ogaalkayaga ah ku koobnaa oo kaliya macaamiisha ka diiwaangashan Adeegga ILA MAQAL ee shirkadda, kaas oo laysku diiwaan-galiyo Numberka 118 ee lagu soo gudbiyey farriinta guddoomiyaha Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom.

Adeeggan suurta-geliyey habkan cusub ee xidhiishka madaxda iyo macaamiisha Shirkadda, ayaa qayb ka ah horumarka farsamo ee adeegyada ay TELESOM u fidiso macaamiisheeda.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net