Guddoomiyaha Selal Oo Ka Hadlay Dhismayaal Xuduudka Jabuuti Ku Dhow Oo Ay Burburiyeen

Saylac, (SLpost)- Guddoomiyaha Gobolka Selal Cabdirisaaq Waabari Rooble,ayaa ka war bixiyay dhismayaal sharci darro ah oo kooxo kootarabaan ay ka dhiseen meel u dhow xadka ay Jabuuti iyo Somaliland wadaagaan.Cabdirisaaq Waaberi Rooble

Guddoomiyaha gobolka Selal waxaa kale oo  uu meesha ka saaray warar sheegayay in dhismayaasha ka bur buriyiyeen   baabiintooda uu dalabkoodu ka yimi dhanka Jabuuti.

Waxaannu cadeeyay  in babiinta dhismayaashaasi ay yihiin tallaabo sharci ah oo ay qaaday Xukuumadda Somaliland.

“Horta dhismayaal iyo deegaan la deganaa oo aanu baabiinay ma jirto,  laakiin waxaanu duminay waabab ay dhisteen dad waxyaabo aan wanaagsanayn ka ganacsada oo si tuugo ah halkaa u  marin jiray meeshuna  Lawyacaddo ayay dhanka Koonfureed ka xigtaa 14 KM halka ay xadka aynu Jabuuti la wadaagnona u jirto ugu badnaan hal KM markaa waxay khatar ku tahay ammaan ahaan waxay khatar ku tahay in maandooriyeyaal la isaga gudbiyo labada dal waxay halis u tahay wax kasta oo aan sharci  ahayn in  ay marin u noqoto,”ayuu yidhi Badhasaabka Salel.

Badasaabka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay “Markaa sidaas ayaan u baabiinay waababkaa ka dib markii ay ka dhego adaygeen dadkii waababkaa sharci darrada ah samaystay.”

Mar aanu waydiinay in burburinta  dhismayaashaasi uu ka dhashay dalab uga yimid   dalka Jabuuti waxa uu kaga jawaabay  “Horta dalku Jabuuti maaha ee waa Somaliland wax kasta oo Somaliland dhibaatou keenayana dawladda waajib ayaa ka saaran in ay ka hor tagto, markaa waababkaasi waxay ahaayeen meelo si qarsoodi ah loo soo mariyo kiniino khariban iyo waxyaabaha dumarku isku caddeeyaan.  waxaa kale oo  suuragal ah in daroogana laga soo gudbin karo.  waxaa kale  Somaliland ay xidhiidh wada shaqayneed oo wanaagsan ay la leedahay dalalka Dariska ee aynu xuduudka wadaagno sida Jabuuti iyo Itoobiya  dhankoodana waa u diyaar in ay xidhiidhkeenna wada shaqayneed ilaaliyaan  innagana (Somaliland) waajib ayaa innaga saaran in aan dhawrno markaa dal ahaan ayaanay innoo wanaagsanayn in dalkeenna lagaga cawdo in ay ka jirto meelo kootarabaan la mariyaa sidaas ayaanan u baabiinay waana dhulka caagan in la deegaameeyo horena ammarro iyo digniino ayaa uga soo baxay laakiin markii ay ka dhego adaygeen ayaan tallaabadan ka qaadnay.”

Waxaa kale oo aanu waydiinay in ay jiraan dad ay ku soo qabteen waababkaa ay baabiiyeen oo xidhani,waxaanu yidhi. “Haa illaa sadex qof ayaanu ku soo qabanay oo xidhan kuwaasoo meesha ka samaystay berkado ay biyaha ku shubtaan markii aanu amarnay inay baabiiyaanna diiday imikana way xidhan yihiin.”

Somalilandpost.net