Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland iyo Ganasato ka warramay qaabka loo soo furdaamiyey Markab la afduubay, Dhaliilo iyo ammaan-na u kala jeediyey Maamul-goboleeddada Puntland iyo Galmudug

Hargeysa, 14 April, 2012 (SLpost)-n Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri oo ay weheliyaan xubno ka mid ah ganacsada dalka ayaa ka warramay qaabka loo soo furdaamiyey Markab u rarnaa ganacsatada oo koox budhcad-badeed ahi afduubtay isla markaana dhalleecayn u jeediyey maamulka iyo madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland.

Guddoomiyaha iyo Ganacsatad oo Shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Rugta Ganacsiga ee magaalada Hargeysa, waxay sheegeen inay la soo daayey markabka MV Leila ee ganacsatada u rarnaa ka dib markii laga bixiyey lacag madaxfurasho ah oo dhan $300,000 (Saddex boqol oo Kun oo Dollar).

Guddoomiyuhu waxa uu eedayn u jeediyey maamulka iyo madax-dhaqameedka maamul-goboleedka Puntland oo uu sheegay inay ka gaabiyeen kaalintii laga rabay inay ka qaataan gurmadka iyo waan-waanta lagu soo daayey markabka. Waxa kale oo uu u mahad-celiyey maamulka, madax-dhaqameedka iyo ganacsatada maamul-goboleedka Galmudug oo uu sheegay inay ka dhiidhiyeen in deegaankooda lagu bililiqaysto xoolo ay leeyihiin ganacsatada Somaliland, isla markaana waxa uu xusay inay budhcadda ku qasbeen in dib loogu soo celiyo xeebaha Puntland halkaasi oo intii uu markabku ku sugnaa lagu bililiqaystay qayb ka mid ah badeecadihii markabka Saarnaa.

Dhanka kale, Guddoomiyaha iyo Ganacsatadu waxay tacsi u direen ehelladii uu ka baxay hal qof oo ku naf waayey dagaal ay dadka deegaanka maamulka Galmudug kala hor tageen kooxaha budhcad-badeedda ah iyo sidoo kale dadkii ku dhaawacmayba.

Wakiilka Markabka MV Leila Axmed-sayid Maxamed Mire oo mid ah ergada Somaliland ka tagtay eek a hawl-galay soo-daynta Markabka ayaa isaguna waxa uu dhankiisa sheegay in Saacadaha soo socda uu Markabku soo gaadhi doono Somaliland, waxaanu nasiib-darro ku tilmaamay in deegaamada maamul-goboleedka Puntland Gabbood u noqdo budhcad-badeedda ka qawlaysata biyaha Badweynta Hindiya.

Sh. Axmed-sayid waxa kale oo uu waxba-kama-jiraan ku tilmaamay warbixin uu baahiyey Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo sheegay in maamulkooda ka hawl-galay soo-deynta markabka.

Masuuliyiinta waxay shirkooda jaraa’id ugu mahadceliyeen xukuumadda Somaliland, ganacsatada iyo culimada Galmudug iyo Puntland oo ay tilmaameen inay gacan ka geysteen soo-deynta markabka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net