Guddoomiyaha Olombikada Qaranka Somaliland Xasan Waraabe Cade Oo Shalay Si Balaadhan Loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Olombikada Qaranka Somaliland Xasan  Maxamed Cabdulle (Xasan Waraabe Cade) ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay Caasimada Hargeysa.

WaraabeXasan Waraabe Cade oo ka soo degay garoonka diyaaraha ee Egal International Airport ayaa halkaas waxa ku qaabilay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ciyaaraha Maxamed  Xuseen Axmed (Dhabeeye), Ciyaaraha iyo Dalxiiska Maxamed Xuseen Axmed (Dhabeeye), Bahweynta Ciyaaraha dalka, iyo Dhalinyarada kubada cagta oo aad u tiro baddan kuwaas oo watay Baabuur lagu soo xardhay sawirada iyo magaca Xasan Waraabe Cade.

Waraabe 3Xasan Waraabe Cade oo qadar yar ku nastay qolka VIP ayaa hadal kooban halkaasi saxaafada ku siiyey isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu dalkiisii Hooyo yimaado si qurux baddana loogu soo dhaweeyo, isagoo Dhalinyaradii aad uga mahad-celiyay soo dhaweynta balaadhan ee ay kala hor yimaadeen, isagoo balanqaaday inuu wax baddan ka qaban doono dhisida Shuruucda Ciyaaraha ee Somaliland, isagoo sidoo kale carabka ku dhuftay inuu ku dedaali doono inay shuruucdu noqdaan kuwo Barri ilaa Galbeed loo siman yahay oo lagu wada dhaqmo.

Waraabe 1 Waxa isaguna goobtaasi ka hadlay Agaasimaha Wasaarada Ciyaaraha Maxamed Dhabeeye isagoo sheegay inuu aad u soo dhawaynayo Xasan imaanshihiisa iyo xilka dhawaan loo magacaabayba, isagoo sheegay inuu xasan wax weyn qaban doono maadaama isagoo aan xil hayn si is xilqaan ah uu horeba uga shaqayn jiray sidii uu u horumarin lahaa Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland.

Waraabe 2Intaas ka dib Xasan Waraabe Cade ayaa waxa Baabuur aad u tiro baddani u soo galbiyeen dhinaca Wasaarada Ciyaraaha iyadoo magaalada dhexdeeda ay baabuurtaasi ku soo mareen sacab iyo hoon iyagoo luxaya sawirada Xasan Waraabe Cade. Ugu damabayntii waxa isaguna si diiran Xafiiskiisa Wasaarada Ciyaaraha ugu soo dhaweeyay Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Cali Siciid Raygal, waxaana Wasiirka oo Dhalinyaradii faraha baddnay ee soo buux dhaafisay Wasaarada la hadlayey uu u sheegay inuu Dhalinyarada uu u magacaabay ninkii ay jeclaayeen sidaas darteedna ay si fiican ula shaqeeyaan iyagoo dhalinyaraduna ay sacab iyo sawaxan ku soo dhowaysay hadalka Wasiirka. Isku soo wada duubo Masuulkan oo ku suntan Ciyaaraha dalka ayaa laga rajo qabaa inuu wax weyn ka qaban doono maraxalada ciyaaruhu maanta ku sugan yihiin.

SOMALILANDPOST.NET