Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Madaxweynaha Ku Bogaadiyay Kordhinta Garsooreyaasha

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa sheegay in baahi loo qabay tirada garsooreyaasha Maxakamadda sare oo uu Madaxweyne Siilaanyo kordhiyay. Waxa uu sheegay inay ka gar-naqi doonaan 300 oo dacwadood oo maxakamaddaha iska dhex yaalay muddo dheer.Prof.-Aadan-Xaaji-Cali

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa digreeto uu soo saaray 26, July,2015 waxa uu ku magacaabay 8 garsoore, waxaanu xilka ka qaaday 2 ka mid ah 5-ta garsoore ee Maxakamadda sare ka koobnayd.

Qoraal Guddoomiyaha maxakamadda sare arrintan kaga hadlay ayaa u dhignaa sidan:-

“Gudoomiyaha Maxkamadasare iyo ta Dastuurga ahi waxa uu uga mahadnaqayaa madadaxwaynaha Jamuuriyadada Somaalilad kordhinta uu ku sameeyey Garsorayaasha maxkamada sare iyada oo ka turjumaysa baahida loo qabo Garsoorayaal Dacwadaha dhaqaaajiya. Madaxwaynuhu waxa kale oo uu tixgaliyey talooyinkii uu u soo jeediyey Gudoomiyaha Maxkamada sare iyada oo garsorayaasha la magacaabay ay yihiin dadkii u qalmaayey oo ah dad khibrad dheeraad ah u leh kuna soo dhex jiray Garsoorka muddo dheer isla markaana waxbarasho sharci oo sareeya leh.

Waxaan rajaynayaa in ay wax weyn ka tari doonaan dib u habaynta cadaalada iyo waliba dacwado kor u dhaafay 300 (saddex boqol oo dacwadood) oo mudo dheer maxkamadaha iska dhex yaalay una baahan in laga garnaqo.

 

Garyaqaan Adam Xaaji-Cali Axmed

 

Gudooomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga

 

Ahna Gudoomiyaha Gudida Cadaalada