Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyay Xubnaha Baarlamanka uga mid noqon doona Guddida Caddaaladda

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa dhaariyay qaar ka mid ah xubnaha Guddida Caddaaladda Qaranka ee ay iska soo magacaabeen Golayaasha baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada.

Afarta xubnood ee shalay la dhaariyay waxa ay ka mid yihiin Sagaalka xubnood ee ay guddidu ka kooban tahay oo uu qayb ahaan hore usoo magacaabay Madaxweyne Siilaanyo, waxaana ay wacad ku mareen inay si daacad ah u gudan doonaan hawsha loo igmaday inta ay xilka hayaan.

Guddoomiyaha Maxkamada sare wuxuu dhaartaas xubnaha Guddida caddaalada ka dib hadal uu u jeediyay Guddida uu ku sheegay in loo baahan yahay inay dardar geliyaan hawlahooda shaqo, isla markaana ay wax ka qabtaan Nidaamka Garsoorka dalka iyo cadaallada Maxkamadaha.

Guddoomiyaha Maxkamada sare Yuusuf Ismaaciil Cali waxa uu sheegay in Guddida cadaallada ay dadweynaha Somaliland ka sugayaan hawl culus oo la xidhiidha sugida cadaallada.

Xildhibaan Maxamed Jaamac Cabdi oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ka tirsan ururka qareenadda, waxa uu xusay inay iskaashi balaadhan la yeelan doonaan Guddida caddaalada oo uu ku ammaanay inay la yimaadeen qorsheyaal waxqabad waxaanu ballan-qaaday inay u dooddi doonaan maxaabiista aan awooddayn inay qabsaddaan qareenno u dooda.

Guddida Caddaaladda waxa la filayaa inay ka qaybgalaan wax ka qabashada Caddaaladd-darrada baahday ee ka jirta dalka , iyadoo arrintani ay qayb ka tahay ballan-qaadkii uu sameeyay Madaxweyne Siilaanyo intii uu socday shirweynihii dib u habaynta Caddaaladda ee bishii June ee sannadkan ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Somalilandpost.net

Hargeysa News Desk

Somalilandpost08@gmail.com