Hargeysa, 06 March, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) Cabdirashiid Maxamed Maxamuud (Ina Durraan), ayaa ka warramay kiisaska ugu badan ee ay Maxkamad ahaan qaadaan ee loola tago, isla markaana ka hadlay is-beddel mug leh oo uu sheegay in lagu sameeyey Maxkamadaha, gaar ahaan Maxkamadda gobolka Hargeysa.
Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Durraan waxa uu sheegay Kiisaska ay qaadeen bilaha sannadkan 2012-ka lagu jiray iyo bilihii u dambeeyey sannadkii dhammaaday ee 2011-ka, ay ugu badan yihiin Kufsiga, Dhalinyarada Xaafadaha ee Koox-kooxda isu-dila iyo Dhaawacyada dadka kala gaadha. Waxaanu ku dooday in heerka garsoor ee Maxkamadda gobolku meeshii ugu fiicnayd marayo wakhtigan, ka dib markii qalabayn lagu sameeyey Xafiisyada Maxkamadaha, lana kordhiyey Garsoorayaasha Maxkamadda oo afar ahaa markii hore, dhawaanna laga dhigay siddeed Garsoore iyo Guddoomiyaha, taasina ay fududaysay habsami-u-socodka shaqada Maxkamadda.
Waxa uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa inay xal u heleen dad beenaalayaal ah oo Mukhallasiin loo yaqaanno, kuwaasoo Maxkamadaha dadka ku baadhan jiray, isla markaana qaab been-abuur ah lacag uga qaadan jiray dadka Maxkamadaha dacwaduhu kagaga jiraan iyo sidoo kale, dad suuqa looga yaqaanno (Yaannu u gubannaa) oo markhaati been ah ku dhaarta, dabadeedna lacag la siiyo oo qaabkaa ku shaqaysan jiray.
Haddaba Waraysiga uu bixiyey Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa Cabdirashiid Durraan oo dheeraa, dhinacyo badanna taabanaya, ayaa uu u dhacay sidan:
S: Guddoomiye ugu horreyn warbixin kooban naga sii marxaladda garsoor ee ay marayso Maxkamadda Gobolka Maroodi-Jeex ee aad Guddoomiyaha ka tahay?
J. Maxkamadda is beddel badan ayaa ka dhaxay xagga garsoorayaasha qaar ayaa la beddalay qaar kale oo cusub ayaa la keenay, tirada garsoorayaasha iyo qalabka Maxkamadda la keenay ee lugu shaqaynayo, markaa hawlo badan ayaa aad loo fuduudeyay, shaqadayadu si wanaagsan ayay u socotaa Guddida Caddaaladda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda sare kormeer joogto ah ayaa mar kasta sameeyaan, haddii ay noqon lahayd garsoorayaasha iyo qalabka lagu shaqaynayo iyo dhammaan hawl-maalmeedka si joogta ah ayaa loo kormeeraa, markaa meel aad ugu ficiin bay xaaladda garsoor ee Maxkamadda gobolku maraysaa.
S: Waxaad nooga warrantaa kiisaska ugu badan ee Maxkamadda gobolka soo gala ee aad qaaddaan?
J: Kiisaska Maxkamadda soo gala waa nooc kasta oo dembiya oo dhaca, waxaa jira dad kufsi lugu soo eedanayo, waxaa jira dad inay is dileen lugu eedaynayo, mushkiladda ugu badan ee magaaladan Hargeysa haysataa waxa weeye ciyaalkan Kubbadda Ciyaaraya ee koox koox isku dilaya oo immika 43 Ciyaala ayaa la rumaan-garaynaya, waa mushkiladda immika aad ugu badan Maxkamadda. Waxa kale oo ka mida kiisaska aannu qaadno Tuugada.
S: Guddomiye; markaad eegto sannadkan saddexdiisa bilood ee ugu horreeya maxaad nooga sheegi kartaa ee aad qaaddeen kiisaska?
J. Waxaa ugu tiro badan kiisaska ugu horreeya waa koox-kooxaha ay ciyaalku isku dilayaan, Tuugada iyo dhaawaca dadka soo kala gaadha ayaa ugu badan.
S: Waxaa ay dhibaato ugu badan ka taagnaan jirtay kiisaska Maxkamadaha soo gala sida nugu maqaalo ah, kuwaasi immika miyaa ay hoos u dageen?
J: Dhammaantood waa nalga wareejiyay, immika saddex sannadood Maxkamaddan dacwaddooda lagama furin oo lagama garnaqo oo Maxkamaddu ma dhagaysato, Guddida dacwadaha dhulka ayaa dawladda hoose laga sameeyay, halkaasay ka hawl-galaan Xeer-baana Baarlamaanku ku ansixiyay, wixii dacwad dhul ah ka horreysay muddadaa saddexda sano ah annaga ayaa galna, saddexdaa sano wixii ka dambeeyay waxaa laga furaa Guddida dawadaha dhulka oo xarun ku leh dawladda hoose. Markaa, wax dacwad dhul ah oo ay Maxkamaddani qaaddaa ma jirto.
S: Guddoomiye; markay kiisasku dadka ka soo galaan Maxkamadaha waxa ay ka cawdaan in kiisasku si caddaalad ah loo qaadin iyaga aragtidooda oo ay yidhaadaan sharciga looma sinna ee laaluush-baa lo adeegsadaa, arrintaasi soo ma jirto?
J: Waa loo siman yahay sharciga, waxaad arkaysaa, marka ay laba qof kuu yimaaddaan oo mid laga gar helo oo ka kale waayo, sida uu doonayo ma aha cadaalad-darro. Hargeysa waynu wada joognaa kuma dhacdo Maxkamaddu gaadhigaaga ama gurigaga inay nin kale u xukunto oo cadaalad-darro taas oo kale ahi waligeed may dhicin, dadku waxa ay ka caban jireen xagga dhulka marka bannaanada iyo Buuraha laysku qabsado ee boqol fayl la samaysto ee uu markhaati ama reerkooda soo kaxaysto ee marba nin loo xukumo ee caddaymahaas la raaco ayaa ay dadku ka caban jireen, illaa inta uu qiyaamuhu dhacayo caddaalad-darradaas waa laga cabanayaa oo qof gar waayay ayaa odhanaya caddaaladi ma jirto. Tusaale ahaan qof ayaad ku odhanaysaa qofkani dammiin malaha isaga oo haddii uu doono qof dilay ama khamri-ba lagu hayo, debedda ayuu u baxayaa dabadeedna wuxu odhanayaa; ‘Maxkamad iyo cadaalad midna ma jiro’ markaa caddaaladdu waa sida saxda ah.
S: Kollay gari laba nin kama wada qosliso ayaa la yidhi, marka loo eego taa aad sheegtay ee ah ciddii gar waydaa inay ku cabato in aanay cadaaladi jirin, maxaa la odhan karaa waa ay ku qanci karaan ama dinku ka Maxkamd ahaan ku qancinaysaan?
J: Waxay ku qancaan sharciga ayaa siiyay, markaad aragto go’aanka soo baxay haddii aanad ku qancin ambiil baad qaadan kartaa, Maxkamaddii Rafcaankaa kuu furan. Maxkamadda Rafcaankana haddii aad ku qanci waydo iyadana ambiil baad ka qaadanaysaa oo Maxkamddii sare ayaad tagysaa, dabadeed dib-u-eegis ayaad xaq u leedahay oo lugu siinayaa, haddii aad leedahay cadaymaan soo helay ama waxbaa khaldamay intaa haddii aad ku qanci waydo wax kale oo aad ku qancaysaa ma jiro.
S. Guddoomiye waxa jira in dadka qaar rumaan loo jaro oo ah in muddo ah, isla mar ahaataana waqti dhaaf ku yimaaddo, markaad booqato saldhigyada ama jeealasha dadka qaar ayaa ku odhanaya toddobo casho ayaa naloo soo jaray 3 bilood iyo wax ka badanna way maraysaa, maxaa keenaya ayaad is leedahay muddo-dhaafkaas?
J: Xeerka ayaa muddo dhaafka jideeyay, qodobbada qaar dadka marka lugu eedaynayo qaar ayaa waxaa ay leeyhiin 90 cisho oo rumaana halloo jaro, qolo waxay leedahau 45 cisho, muddadii dacwaddoodu socotay gartooda waa la naqaa, marka dacwaddii socoto muddo kasta waa ay qaadan kartaa, taasi muddo-dhaaf maaha, muddo-dhaaf, had iyo jeer haddii qolada Boolisku ku muddo-dhaafto dacwaddu. Qodob ayaa jidaynaya in laga sii-daayo oo ay Maxkamaddu tidhaahdo dacwadda soo dhammaysta. Markaa, Maxkamadda ayaa tidhaahda haddii aad ku guulaysan waydo caddaymihiisii markhaatiya-ba waa ay sii daayaan. Kuwan cabanaya ee jeelasha ku jira waxa laga keenay Laascaanood iyo niman lagu soo eedeeyay waxyaabihii ka dhacay Gabliiley ee dadka lugu laayay, markaa dacwadahoodii ayaa socda, kuwa laga keenay Laascaanood waxa ay Guddida caddaaladda iyo Wasaaraddu-ba waxa la isla gartay in dib loo celiyo dembiyadooda oo dib loo baadho. Markaa, inta badan dadka cabanaya waxay ka timaaddaa mid aan run ahayn.
S. Guddoomiye, waxa jirtay in bari dhawayd isku shaadhayn lugu sameeyay garsoorka, ka dib markii uu Madaxweynuhu sheegay inaanu filanayn caddaalad-darro sidaa u badani inay Maxkamadaha dalka ka jirto, markaa isku shaandhayntaa ka dib, maxaa iska beddelay Maxkamadaha, gaar ahaan Gobolka?
J: Anigu wax hore ma ogi, laakiin immika waxaan ogahay in is beddel mug lehi ku yimi, waxaad ka arkaysaa oo ugu horreeya qalabaynta Maxkamadda la soo dhigey, shaqaalihii ayaa dadka laga dhex soocay oo direys loo sameeyay, tiradii garsoorayaasha ayaa la badiyay oo hadda Maxakamadda gobolku waxay leedahay 8 garsoore iyo aniga oo ah Guddoomiye, halka ay is-beddalkaa ka hor Maxkamadda gobolku lahyd afar garsoore oo kaliy. Waxa kale oo la xakmeeyay waqtiga shaqada oo waxa lagu xisaabtama ninka garsooraha waqtiga uu shaqada soo galay iyo wakhtiga uu ka baxayo.
Qalabaynta la qalabeeyey Xafiisyada shaqada iyo tirada garsoorayaasha ee la badiyey-ba waxay qayb weyn oo muhiim ah ka qaateen fududaynta shaqada, waxaana qalabkaa naga caawiyay Hay’adda UNDP, Guddoomiyaha Maxkamadda iyo Wasaaradda Caddaaladduna way ka shaqeeyeen waana wax shaqada lagu horumariyey.
S: Guddoomiye; dhawaanahan waxa soo baxday in Wiilasha yar-yar la kufsado, markaa kiisaska kufsiga ah ee idin soo maray cidda ay ku dhacaan ma gabdhay u badan yihiin mise wiilal?
J. Inta badan Hablaha ayaa la kufsanayaa, dad waaweyne waxba kufsanayaan ee Kurayda yaryar ama Kubbadda ha ka yimaaddaan ama fiidyaha haka soo baxaane waa kuwaa kuwa wax kufsadaa.
S. Waxad arkaysaa Maxbuus la wado oo Askariga wada ama Baadhaha wadaa jidhp-dilayo, kuwaa tallaabo noocee ah ayaad Maxkamad ahaan ka qaaddaan?
J. Waxaa jira dad mukhallasiin la yidhaahdo oo beenayaala oo markhaati beena fura oo af-miishaarro ah niman baa jira kaaliyayaal sheegta Maxkamadda dhexdeeda ka dhex qadhaaban jirey oo qofka ay dacwaddu ugu horreyso ee aan waxba garanayn ku yidhaahda kaaliyaan ahay garssoore hebel ayaa isoo direy ee lacag keen oo been, sababta aan kalkaaliyaasha dareyska ugu xidhnay waa taas, markaa waxaannu doonaynaa inaannu warbaahinta u marinno dadkii noocaas ahaa ninka mukhalas ka noqda Maxkamadda iyo aaggeeda ee lagu qabto iyo markhaati beenalayaasha iyo nimanka waxaas ku shaqeysta oo dhan in maxkamaddu tallaabo sharciya ka qaadi doonto.
S: Guddoomiye; Dadkan aad sheegtay inay qaabkaa gurracan u shaqeysan jireen maxay ahaayeen, ma sharci-yaqaannaa?
J: Maya ma aha sharci-yaqaan ee dad tuuga ah weeye, ninka sharci-yaqaanka ahi waxaas oo kale ma sameeyo, waayo? Sharciga ayuu garanayaa, laakiin dadkani waa dad aan sharci-yaqaanno ahayn oo magalada ka soo foof-tagay.
S: Waxa jira dad had iyo jeer Maxkamadaha yimaadda oo yidhaahda yaan u gubannaa oo dhinacyada is-haya midkood been ugu dhaarta ka dibna lalcag qaata, arrintaa iyada bal ka warran?
J: Anigu maan arag, laakiin waa la sheegaa hore waanu u baahinnay iyagana qoraal baannu siinnay oo waxaannu ku nidhi ninkii noocaa ku shaqeysan jire ee Maxkamadda markhaati beenaale u iman jirey ama inuu garsoore ku shaqeysto u iman jirey ama nidaam khaldan Maxkamadda u iman jirey ama waxaa jira dad, dadka qabyaalad ku soo raaca, waaxaas oo dhan dig niin baannu siinnay wixii dambe Maxkamadda aaggeeda yimaadda tallaabo sharciya ayaannu ka qaadaynaa.
S. Ugu dambayn Guddoomiye; maxaad bulshada u soo jeedin lahayd?
J. Waxaan u soo jeedin lahaa in nidaamkan ay garsoorayaashu u shaqeeyaan yahay nidaam aad u wanaagsan oo cid luugu adeegi karo qofku xorriyaddiisa ayaa ku iman karaa sida uu doono ayaa dacawaddiisa u dhiiban karaa xuquudiisa ayuu helayaa, waxaan dadweynaha u sheegaynaa inaan si hagar la’aan ah ugu adeegayno iyaguna ay cadaaladda ku qancaan oo ay musuqmaasuqa iyo wax is dabo-marinta aanay Maxkamad la iman.
Xigasho: Ogaal