Guddoomiyaha Maxkamada Sare Oo Xukuumada iyo Golaha Wakiilada U Soo Jeediyay Inay Xaliyaan Murankooda

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoodmiyaha maxkamada sare Aadan Xaaji Cali Ayaa xukuumada iyo golaha wakiilada ugu baaqay inay muranka ka dhaxeeya ku xaliyaan  dastuurka iyo xeerarka ay ku wada shaqeeyaan, isla markaasna meesha laga saaro siyaasada.

Waxa uu guddoomiyahu sheegay in aanay wali dhacdadaas soo gaadhin wax garnaqideeda la xidhiidha, waxaanu ku waaniyay labada dhinac in aan loo baahnayan inay garsoorka isla yimaadaan.

Waxa uu Sidan guddoomiyahu ka sheegay mar wax laga waydiiyay inay ka garnaqayaan is afgaranwaaga ka dhextaagan golaha wakiilada iyo xukuumadda, waxaana isaga oo arintan ka hadlaayay uu yidhi “Maalmahanba waan arkayay inay isku celcelinayeen xeer dajinta qaybta wakiilad iyo fuintu, anagu ma dalbano waxa naloo keenayo ee waxa noo yimaada ayuunbaanu ka garnaqnaa, sidaan fahansanahayna waxay isku celcelinayeen waa sida ay u wada shaqeeyaan, markaas kaasi iyaga ayuu quseeyaa, oo waa inay ku noqdaan xeer hoosaadadooda iyo dastuurka maxkamada waxba loogama baahana, waxaana lagu xalin karaa wadahadal, sida ay iila muuqatana laba arimood ayaa isku hoos jira midi waa nidaamkii xeerdajintan wakiilada iyo fulintu ay u wada shaqeynayeen, ta kalena waa siyaasad. waxaanu rajaynaynaa inay xeerarka qaranka ku xaliyaan, waxii siyaasad ahna laga saaro, garsoorkana wali muu soo gaadhin.”