Hargeysa (SL.Post) Guddoomiyaha Madasha wadatashiga Somaliland Xasan Guure Jaamac, ayaa Madaxwayne Siilaanyo soo jeediyay inuu shir qaran oo loo dhanyahay iskugu yeedho dhamaan shacabka Somaliland ee ku kala sugan dalka iyo dibada .
“ Waxaynu u baahanahay Odey dadka iskugu yeedha oo isagu inna hogaamiya, shirwayne qaran qabta, mashaakilka dalka yaala yidhaahda sidee dawladnimadu inoo deeqaysaa? Maxaynu ku heshiinaa? Halkee ayaynu maraynaa?.”ayuu yidhi Xasan Guure oo u waramay HCTV .
Guddoomiyaha Madashu oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi “Madaxwayne Siilaanyo hadduu maanta ku guuleyso shirkaasi oo odeygii Cali Khaliifna Madal balaadhan lagu wada hadlo waxaa uu baal dahab ah ka galayaa Taariikhda.” ayuu yidhi Xasan Guure
Xasan Guure waxa kale oo uu intaas ku daray, “Maxamed Cali Samatar laga hadlayo Shakhsiyadiisa, ee xilka uu hayay waa ninkii kaliya ee qirtay inuu amarka bixiyay, Calanka Soomaaliyeed ee lagu da’day maydkiisa waxaa uu muujinayaa maantana ii kaalay aan sidii shalay kugu sameeyee.”
Somalilandpost.Hargeysa