Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu tacsi u diraya Qoysaskii Marxuumiinta Cabdilaahi Cabdi Axmed iyo Maxamed Xuseen Cabdi

[stextbox id=”grey” shadow=”true” color=”001d02″ bgcolor=”96d8ed”]GUDOOMIYAHA KULMIYE[/stextbox]

Waxaan aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Hogaanka ee Xisbiga Kulmiye kan Guddiga fulinta ee Xisbiga Kulmiye iyo kan Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye tacsi u dirayaa Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan shacbiwaynaha Somaliland Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Marxuun: C/laahi Cabdi Axmed (Kubado) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargaysa

Sidoo kale waxaan tacsi u diraynaa Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum: Maxamed Xuseen Cabdi oo ku geeriyooday Magaalada London.

Waxaan Illaahay uga baryayaa inuu jannadii ka waraabiyo  Eheladii iyo shacbi waynaha Soomaalilandna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Aamiin                 Aamiin           Aamiin

Md. Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye