Guddoomiyaha KULMIYE oo la Filayo inuu Caddaysto Hankiisa Siyaasadeed iyo Duruufaha ku Xeeran Shirka u Furmaya Xisbigiisa

Guddoomiyaha Kulmiye

Hargeysa, 05 April, 2012 (SLpost)-  Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah hankiisa siyaasadeed uga caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe ee xisbigiisa oo dhowaan ku qabsoomi doona caasimadda Hargeysa.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya, waxa uu Md. Muuse Biixi Cabdi damacsan yahay inuu murrashaxnimadiisa jagada madaxweynenimo ee KULMIYE dhexdiisa kaga dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbul-xaakimka oo la filayo in maalmaha soo socda la cayimo xilliga uu qabsoomayo, iyadoo ay jiraan loollanno kaloo siyaasiyiinta KULMIYE ku doonayaan in murrashaxa xisbiga lagu dhawaaqo marka laga gudbo doorashooyinka golayaasha degaanka.

Xidhiidho kala duwan oo Jamhuuriya la sameeyey masuuliyiinta sare ee KULMIYE shalay ilaa xalay si wax looga weydiiyo arrimahan ayaanay noo suurtogelin in aannu telefoonnada ku helno.

Haseyeeshee, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa tibaaxay in culays badan Muuse Biixi kaga yimi taageerayaasha xisbiga oo ku khasbaya inuu murrashaxnimadiisa ka caddeeyo marka uu furmo shirka golaha dhexe, halka qaar kalena aaminsan yihiin in shirweynaha golaha dhexe lagaga doodo oo keliya dhismaha KULMIYE, isla markaana aanay xilligan habboonayn in la shaaciyo murrashaxooda jagada madaxweynaha, kuwaasoo ku doodaya in xisbiga oo isku duubani u diyaar garoobo ka qaybgalka doorashooyinka golayaasha degaanka, murrshaxnimadana la cayimo haddii KULMIYE ku guulaysto inuu ka mid noqdo saddexda xisbi qaran ee ka soo baxa tartanka goleyaasha degaanka.

Waxa kaloo ilahaasi tilmaameen in Guddoomiyaha KULMIYE ay haystaan culaysyo siyaasadeed oo kaga imanaya dhinaca taageerayaashiisa oo la sheegay inay ku cadaadinayaan inuu murrashaxnimadiisa madaxweynenimo kaga dhawaaqo shirka golaha dhexe ee xisbiga, kuwaasoo ku doodaya inay jiraan fursado bannaan oo Muuse Biixi u saamaxaya inuu xilligan ku dhawaaqo hankiisa siyaasadeed, maadaama aanay jirin loollanno muuqda waqtigan ka horimanaya murrashaxnimadiisa, waxayna dadka arrintan dabada ka riixayaa qabaan in mustaqbalka KULMIYE ku xidhan yahay qabsoomidda shirka golaha dhexe iyo cayimidda murrashaxa jagada madaxweynaha.

Inkasta oo aan weli la cayimin waqtiga uu qabsoomayo shirka golaha dhexe ee KULMIYE, haddana waxa jira duruufo siyaasadeed oo ku xeeran shirkaas, kuwaasoo ay ugu waaweyn yihiin laba qodob oo kala; in shirkaas lagaga dhawaaqo murrashaxa jagada madaxweynaha iyo in tartanka murrashaxnimadu noqoto kadib doorashooyinka goleyaasha degaanka, arrintaasoo KULMIYE ku noqon karta caqab adag oo halis gelin karta sidii uu uga mid noqon lahaa saddexda xisbi qaran ee ka soo dhex bixi doona doorashooyinka dawladaha hoose ee la filay inay sannadkan gudihiisa dalka ka dhacaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi iyo taageerayaal badan oo KULMIYE ka tirsan, ayaa aaminsan in murrashaxnimada xisbiga oo hadda la sii cayimo ay qayb ka qaatan doonto guul KULMIYE ka gaadho tartanka doorashooyinka degaanka oo ku baratami doonaan saddexda xisbi qaran ee hadda jira iyo urur-siyaasadeedyada cusub ee dalka abuurmay.

Xigasho: Jamhuuriya