Guddoomiyaha Kulmiye oo ka hadlay Aragtida Xisbiga Talada Dalka Haya ee ku Wejahan Golaha WADA-TASHIGA ee lagaga Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka haya ee ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay aragtidooda ku wejahan ku-dhawaaqista Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin dalka si weyn looga yaqaano, kaas oo todobaadkii hore Hargeysa laga Shaaciyey.

Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inaanu dalku qaadi karin dhaq-dhaqaaq noocan ah oo lagu waxyeelleeyo Ammaankiisa, dhaqaalihiisa iyo Deggenaanshihiisa, waxaanu siyaasiyiinta Golaha ku dhawaaqay oo uu ku tilmaamay Rag Mudakkar ah kula taliyey inaanay bulshada u horseedin Qalalaase.

Muuse BiixiMd. Muuse Biixi Cabdi oo maanta warbaahinta qaarkeed u warramay, waxa uu sheegay in Golaha ay siyaasiyiintaasi ku dhawaaqeen aanu qaadan karin waajibaadka ay iska leeyihiin Xisbiyada mucaaradka ee dalka ka jira. “Waxa loo baahan yahay inay is dajiyaan, waxaana waajibaadkaas iska leh Xisbiyada Mucaaradka ee Dalka ka jira oo ay hawshoodii tahay inay waxna toosiyaan waxna dhaliilan. Kolka hore Raggan maalintii dhawayd hadlay waa Rag Odayaal ah oo dalka u soo halgamay. Talo way soo jeedin-karaan, arrimaha dalka way ka hadli karaan, laakiin waxay ahayd in la isu-yimaado oo intaas ay Warbaahinta ka sheegeen ay noola yimadaan oo ay noo shegaan,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxaanu hadalkisii sii raaciyey, “Anagu waanu isgaranaynaa Madaxweynahana way is garanayaan, markaa anagu Warbaahinta ka dhaleecayn mayno oo manihin maanta Raggii Warbaahinta ku wada-hadlilahaa ee waxaanu nahay Raggii dalka wax u wada qaban lahaa. Markay Ummaddii ay arragto Odayashii waawaynaa oo is haysta waxba hagaagimayaan.”

Mujaahid Muuse Biixi Cabdi sidoo kale waxa uu sheegay inaan loo baahnayn wakhti xaadirkan in mudaharaadyo iyo banana baxyo waawayn ay dalka ka dhacaan, waxaanu yidhi, “Dalkeenu maanta ma qaadikaro maalin mudaharaad oo waxay saamayn ku yeel-kartaa dhaqaalaha, lamanahayo dhaqaale. Waxaana mudaharaadka la abaabulaa marka la ismariwaayo, marka waxaan leeyahay Odayaashanu waanu dhamaysan-karnaa. Haddii ay noo iman wayaanna anaga ayaa u tagayna oo odhanayna maxaa idinka maqan.”

 SOMALILANDPOST.NET