Guddoomiyaha Kulmiye oo ka digay Dhaqan-xumo ay bulshada ku fasahaadinayaan Dhalinyaro Kooxo ah oo budhcadoobay

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa wel-wel ka muujiyey dhibaatada ay bulshada ku hayaan dhalinyaro Kooxo ah oo xilliyada habeenkii rabshado ka sameeya xaafadaha caasimadda rabshado sameeya. Waxa uu sheegay inay keeneen dhaqano ku cusub bulshada.

Muuse Biixi oo luqad Adag ugu jawaabay Madaxweynaha Soomaaliya oo uu uga digay faro-gelin siyaasadeed  oo uu ku wado SomalilandMuuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey munaasibad lagu daah-furayey saami-qaybsiga wakaaladda Korontada Dawladda ee Hargeysa oo ganacsato lagu wareejiyey, waxa uu ku baaqay in bulshada iyo xukuumaddu si wada-jir ah uga hawl-gasho halista uu sheegay inay abuurayaan kooxaha dhalinyarada ah, taas oo uu sheegay inay khatar ku hayso dhaqanka iyo dabeecadda bulshada.

“Baryahan waxaa soo baxay oo inaguna soo fool-leh dhibaatooyin u baahan in mujtamaca oo dhani ka wada hawl galo.Magaalooyinkeena oo dhan waxaa ka abuurmay wax la yidhaahdo dhalin yaro Gaangis ah,” Sidaa ayuu yidhi Muuse Biixi

Isaga oo ka warramayey dhibaatooyinka dhalinyarada kooxaha ahi ku hayaan bulshada, waxa uu yidhi, “Dhalinyaro xoog leh oo fara badan oo dhinaca qaloocan u dhaqaaqday baa jirta. Waa arrin aynaan dhaqan u lahayn oo aan ab iyo aabo toona Soomaali iyo Muslim toona u lahayn oo Kufsi wadareed ka mid yahay oo maanta xaafad walba iyo gidaar walba ka taagan. Waxaanu arkaynaa,Magaalooyinkoo dhan inaanu Odaygii Telefoonkiisa habeenkii la carraabi karayn oo laga yaabo inuu Inankiisii ka amaan waayo.”

Mujaahid Muuse Biixi waxa uu tilmaamay in wax-ka-qabashada dhibaatadani u baahan yahay iyada oo aan lagu halleyn ciidamada ammaanka oo kaliya balse bulshadu doorkeeda ka qaadato, waxaanu yidhi, “Waxa weeye waa la dhayal saday arrintaas, Qaran ahaan waynu dhayal sanay oo waxa la yidhaa uun Boolisku ha qabteen, hawshaasi Hawl Boolis way ka wayn tahay, waa Aafo soo korodhay oo cid walba ka faa’iidaysan karto.”

“Rag xoog ah, ismaamulay oo Is abaabulay oo sidii Hay’adaha u dhisan oo aan cidna u tudhayn baa soo kordhaya. Waxaynu u baahannahay arrintaas, Qaranku wadar ahaan, Goleyaal, Xukuumad, Xisbiyo, Culimo iyo ganacsato inaynu talo qaran ka yeelano intayna arrintaasi halkaas dhaafin,” sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi.

SOMALILANDPOST.NET