Guddoomiyaha Kulmiye oo Caqli-xumo ku tilmaamay go’aanka Axsaabta Mucaaradku ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay khilaafka dhinaca sharciyadda Diiwaangelinta Madaniga ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka, waxaanu sharci-darro ku tilmaamay in la joojiyo diiwaangelinta Muwaadiniinta oo maamulkeeda ay gacanta ku haynayso Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

muuserLabada Xisbi Mucaarad ee Somaliland, ayaa dhowaan ku dhawaaqay inay Qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah oo ku tilmaameen in qaabka ay xukuumaddu hirgelinteeda u waddo ka geddisan yahay heshiis beesha Caalamku goob-joog ka ahayd oo dhexmaray Axsaabta siyaasadda, Xukuumadda iyo Guddiga doorashooyinka.

Haseyeeshee, Cadaadis xukuuumadda kaga yimi dhinaca waddamada dhaqaalaha ku bixiya doorashooyinka Somaliland, ayaa sababay in wada-hadal u furmo xukuumadda iyo Axsaabta Mucaaradka oo u ballamay kulamo ay ku naaqishaan qaladaad ku jira xeerka diiwaangelinta Madaniga ah. Balse Kulamadaas ayaa baaqday oo aan qabsoomin shalay ilaa dorraad ka dib markii ay xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddu ka xaadiri waayeen kulamadii loo ballansanaa.

Muuse Biixi oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay inay xisbi xaakim ahaan u hoggaansamayaan heshiiska dhexmaray daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland, balse waxa uu wax layaab leh ku tilmaamay in Axsaabta Mucaaradka ahi ku dhawaaqaan go’aanka ay ku qaaddaceen Diiwaangelinta Madaniga ah iyada oo uu jiray heshiis iyo qorshe ay meel isla dhigeen oo arrinkiisa iyo talo-wadaaggiisa ay u ballansanaayeen.

HALKAN KA DAAWO