Guddoomiyaha KULMIYE iyo Weftigiisa oo Kulamo la Qaatay Safiirka Jarmalka ee Nairobi iyo Hay’ado kala Duwan

Nairobi (SLpost)- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka haya talada Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka shaqo u joogay dalka Kenya, ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay Safiirka dawladda Jarmalka iyo madaxda hay’ado caalami ah iyo kuwa Qaramada Midoobay ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi maanta.

17274466_10203200463569463_1369335914_nSafiirka dawladda Jarmalka u qaabilsan dalalka Kenya, Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Jutta Frasch, ayaa shir ballaadhan kula yeelatay xafiiskeeda Nairobi Guddoomiye Muuse Biixi iyo masuuliyiinta wehelinaya, waxaanay kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo ku wajahan Somaliland iyo wadashaqaynta ka dhaxaysa beesha caalamka.

Mudane, Muuse Biixi waxa uu faahfaahin ka siiyey safiirka dalka Jarmalka xaaladda guud ee uu marayo dalka Somaliland, gaar ahaan abaarta baahsan ee saamaysay gobollada dalka Somaliland oo markii xoolihii dhammaadeen gaadhay in shacabka reer Somaliland iyo dawladdu galaan gurmad lagu badbaadiyo nafaha dadka ku dhibaataysan oo qiyaastii ah laba malyan oo qof.

“Abaarta baahsan ee ka jirta dalkayaga ayaa sababtay in aannu dib u dhigno doorashooyinkii dhici lahaa si aannu u galno gurmadka dadkayaga iyo maatida gaajada iyo harraadka u dhimanaya,” ayuu yidhi Guddoomiye Muuse.

Waxa kaloo uu ka codsaday dawladda Jarmalka inay ka hawlgasho sidii caawimo uga gaysan lahaayeen gurmadka abaarta Somaliland oo ay guud ahaan ka gaabisay beesha caalamka, sidoo kalena uu Jarmalkii sii xoojiyo taageerada dhaqaale iyo horumarinta kaabashaasha dhaqaale ee Somaliland.

Dhankeeda Safiirka dawladda Jarmalka Amb. Jutta Frasch, waxay ku ammaantay Somaliland dadaallada iyo gurmadka abaarta ee ay wadaan shacab iyo dawladba iyagoo aan kaalmo ka helin dunida iyo weliba abuurista hannaanka dawladnimo iyo nabadgalyada buuxda ee ka jirta Somaliland iyo weliba ku wada noolaanshaha xasilloonida ee waddamada mandaqada Geeska Afrika.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo xubnaha weftigiisu waxay kulan la qaateen madaxda Baanka Adduunka ee fadhigoodu yahay magaalada Nairobi, kaasi oo lagaga wadahadlay sidii Somaliland looga caawin lahaa dhanka dhaqaalaha iyo arrimaha abaaraha soo noqnoqday.

Weftiga Somaliland ee xisbiga KULMIYE waxay hore intii ay ku sugnaayeen magaalada Nairobi kulamo ula yeesheen Safiirrada Safiirka Maraykanka Mr. Stephen Michael Schwartz iyo Safiirka Midowga Yurub Mrs. Veronique Lorenzo iyo hay’ado caalami ah, kuwaas oo ay dhammaantood kala hadleen arrimaha abaarta ka jirta Somaliland, doorashooyinka iyo dib-u-dhaca ku yimi, xaaladda guud ee nabadgalyo iyo siyaasadeed ee Gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi waxa kulamadaa ku wehelinayey Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Khayraadka Biyaha Somaliland Md. Xuseen Cabdi Boos, Safiirka Somaliland u qaabilsan Kenya Md. Cabdillaahi Cabdi Cali, siyaasiga Cali Baashe oo ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xubno kale.