Guddoomiyaha KULMIYE iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Lagu Soo Dhaweeyey Oodwayne

????????????????????????????????????

Oodweyne (SLpost )- Weftiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbal-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ee socdaalka ku maraya gobollada bari, ayaa si wayn loogu soo dhaweeyey magaalada Oodweyne ee xarunta Gobolka Daadmadheedh.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Weftiga Guddoomiyaha oo ay wehelinayaan xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga, wasiirro iyo masuuliyiin kale oo ka mid ah xukuumadda, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka iyo madax kale, kuwaas oo ujeeddada socdaalkoodu la xidhiidho wacyigelinta hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha ee laga bilaabayo Gobolka Togdheer maalinta Sabtida, ayaa booqasho weftigu ku tagay Gobolka Daadmadheedh maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey iyadoo dadweynaha, madaxdhaqameedka iyo masuuliyiintuba ku qaabileen farxad, qalbi furan iyo taageero ay u muujiyeen xisbiga iyo xukuumaddeedaba, kuwaas oo kaga hortagay weftiga meel ka durugsan xarunta Oodweyne, kadibna markii madaxda loo galbiyey dhinaca magaalada ay dadweyne safaf dheeraar ku jiraa ku soo dhaweeyeen heeso iyo erayo ammaan ah, waxaanna halkaasi lagu guddoonsiiyey Guddoomiye Muuse Biixi koob wayn oo ay hadyad ahaan u siiyeen kooxda kubadda Cagta ee Oodweyne.

Maayarka degmada Oodweyne Md. Cabdixakiin Nuur Muuse iyo Cuqaasha gobolka oo ay ka mid yihiin Chief Caaqil Axmed Xuseen Libaax iyo Chief Caaqil Mataan Xaaji Xuseen iyo waxgarad kale oo hadallo ka jeediyey xaflad loo sameeyey soo dhawaynta weftiga Guddoomiyaha, ayaa dhammaantood ka ammaan sheegtay waxqabadka xukuumadda KULMIYE ka fulisay degaanka Oodweyne, sidaasi darteedna waxay ballanqaadeen inay mar kale codkooda siinayaan xisbal-xaakimka oo ay ku tilmaameen inuu yahay kii waxqabadka iyo horumarinta Somaliland. Waxa kaloo ay uga cowdeen guddoomiyaha iyo wasiirrada biyo la’aan haysata gobolka, una baahan yihiin riig biyo u qoda.

“Mudane Guddoomiye waxaan kuu sheegayaa in aniga iyo inta ila fikirka ah ee kaleba inay hagar la’aan ugu codayn doonaan xisbiga KULMIYE, maadaama ay arkayaan waxqabad badan oo xukuumaddiisu ka samaysay dalka, sidaasi darteed, Guddoomiye annagu ku guddoonsiinmayno Faras iyo lacag toona ee waxaannu kugu sooryaynaa cod Isha Allah maalinteeda.” Sidaa waxa yidhi Maayarka degmada Oodweyne Cabdixakiin Nuur.

Wasiirrada Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Hawlaha Guud – Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Cali Maxamed Xasan (Cali-marreexaan), ayaa uga mahadceliyey soo dhawayntaasi reer Oodweyne, isla markaana u ballanqaaday inay wax ka qaban doonaan cabashadooda. Sidoo kale, labada wasiir waxay kala hadleen dadweynaha diiwaangelinta codbixiyayaasha la bilaabayo Sabtida oo ay ku booriyeen inay si buuxda u qaataan kaadhkeeda, maadaama muhiimadeeda ay u leedahay dalku fara badan tahay oo ka sakow codbixinta doorashooyinka soo socda ay faa’iidooyin kale ugu fadhido deegaan kasta iyo guud ahaan Qarankaba.

Wasiir Caddaani oo murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Muuse Biixi kala hadlayey reer Oodweyne waxa uu yidhi, “Annagu waanu wadnay wadnay oo dhinac walba waanu ka eegnay oo waxaannu qabnaa oo aragnay ninka Somaliland badbaadadeeda, horumarkeeda iyo nabadgalyadeedu u baahan tahay inuu yahay mujaahidkaa Muuse Biixi Cabdi ee uu dhabarka ka taabtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.”

Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Qabo iyo Guddoomiyaha Oodweyne Md. Axmed Maxamed Xaashi, ayaa iyaguna uga warramay shacabka reer Oodweyne diiwaangelinta codbixiyayaasha, tirada goobaha dadku iska diiwaangelin doono, muddada ay socon doonto oo ah 28 maalmood gobol kasta iyo waxtarka ay leedahay qaadashada kaadhkani.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad u jeediyey reer Oodweyne, ayaa si wayn uga mahadceliyey sida diirran ee reer Oodweyne u qaabileen, waxaannu ballanqaaday inuu u hawlgali doono sidii biyo loogu saari lahaa gobolka oo tixgelin wayn ay siinayaan cabashada cuqaasho u gudbiyeen.

“Horta, anigu weligay kubadda xariif kumaan ahayn oo halkaa haddii inta la ii dhigo la yidhaa goolka ku hagaaji lama helo, haddana waxaad i siiseen koob wayn, markaa kor baad ii qaadeene aad iyo aad baad u mahadsan tihiin, dhallinyaradaa ciyaartoyga ah ee idinkoo Daadmadheedh jooga ayaad koob i siiseen oo gacanta igaga horrayseene, aniguna dirayskii iyo wax alla wixii kale ee kooxdaasi kubadda cagtu ku soo baxayaba waan ballanqaadayaa oo waan ka hawlgalayaa,” ayuu yidhi Murrashax Muuse Biixi Cabdi.

Gebogabadii, waxa weftiga lagu casuumay guri ku yaal magaalada oo loogu sameeyey casuumad qado sharaf si qurux badan loo diyaariyey.